Hargeisa(AN)Farsamada qodaalka Degmada Arabsiyoayaa ayaa lix sano ka dib loo furay taas oo magaalda Arabsiyo oo kamid ah dhul beeralay ah ayaa iskaashatada farsamada qodaalka dib xarunteedii looga hirgaliyey xafiiskeedi ,iyadoo iskaashatadaas ay ku bahoobeen dhamaan beeralayda degaanada hoostaga Degmada Arabsiyo,
waxaana xurantani ay kaalin muuqata ka qaadanto habsami usocodka iyo dhiirigalinta shaqaalaha muruq maalka ah ee ku foogan sidii wax uga soosaari lahaayeen dhulka hodonka ku ah wax beerista waxaana
Xafiiskan dib boodhka looga jafay ee iskaashatada Arabsiyo ayaa waxaa si wayn usoo dhaweeyey dadwaynaha ku dhaqan dadka ku dhaqan Degmada Arabsiyo qaar kamid ah dadwaynaha ayaa ka waramay doorka xafiiskan iyo kaalinta ay filayaan in uu ka qaata horumarinta Beeraha waxaana hadaladoodii kamid ahaa
“waxaanu gacmo furan ku soo dhawaynaynaa xaruntii iskaashatada ee Arabsiyo oo dib loo furay taas oo aanu ku kalsoonahay in ay qayb ka noqon doonaan horumarka iyo wax soosaarka ka socda Gobolka Gabiley gaar ahaan Degmada oo kamid ah dhulka Ilaahay ku manaystay wax beerista”
dadwaynaha ku dhaqan Arabsiyo oo sii wata hadaladooda
” ururkii iskaashatada oo mudo dheer xidhnaaa kaalintiisina ayna ga maqnayd ayaa maanta waxaa ukacday dhalin yartii Degmada oo hormood ka ah waanu hambalyaynaynaa gacmo furan”
waxay sidoo kale dadwaynahani fariin udireen dhamaan bulshada ku dhaqan Arabsiyo iyagoo ku booriyey dhamaan dadka degaanka iyo beeralayda sidii ay ula shaqayn lahaayeen ururka iskaashatada Arabsiyo
Xarunta ururka iskaashatada Degmada Arabsiyo ayaa wxa ugu dabaysay in ay si toos ushaqayso sanadkii 2009 oo noqonaysa mudo 6sano kahor taas oo siday ka dhawaajiyeen bulshada ku dhaqan Arabsiyo baahi wayn loo qabay XaruntaasArabsiyonews.comMuuse Xuseen XasanArabsiyo Office








