Qaramada midoobe oo sheegtay in dufaan ku dhufatay jasiirada ha ku yaal badwaynta Pacific

0

Hargaysa(AN)QM ayaa sheegtay in duufaanta ku dhufatay jasiiradaha ku yaalo dalka Vanuatu ee badwaynta Pacific ay noqon karto mid kamid ah masiibooyinka dabiiciga ee ugu xumaa ee soo maro taariikhada badwayntaas.

mm

Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhimatay dabeeshan, balse waxa ay qaadan kartaa maalmo ama isbuucyo ka hor inta aan la ogaan baaxada khasaaraha ka dhashay duufaantan ku dhufatay 65 jasiiradood oo ku yaalo dalkaasi.

Goobjooge ku sugan caasimada Port Vila ayaa sheegay in dabeeshu ay cagta marisay tuulooyin dhan oo guryaha ku yaalo ay ka samysanaayeen cooshada.

Dabeesha Pam waxaa markii hore lagu waday in ay dhinac marto waddanka balse daqiiqadihii u dambeeyay ay jihada baddalatay

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk