GABILEY (AN)Dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Gabiley ayaa Rajo la,aan ka Muujiyay waxqabadka Xukuumada iyo Balanqaadyadii Tirada Bandaa ee Xisbiga Kulmiye ku galay tartankii doorashooyinka Somaliland kuwaasi oo aan waxba laga fulin Gobolka Gabiley.

Taageerayaasha Xibiga Mucaridka Ah Wadani ee Gobolka Gabiley oo si wayn looga dareemayo dhaqdhaqaaqyo xoogan oo loogu raadinayo soo dhawaynta isbahaysiga Xisbiyada Mucaridka iyo Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Soomaliland Masuliyin ka socota Xisbiyada mucaridka ah ee Wadani iyo ucid ,oo Maalintii ilaa Labadii Casho ee ugu danbeeyey ku sugnaa Magaalada ayaa iyaguna ku hawlanaa sidii ay u qaybin lahaayeen Calamo tiro badan, Garamaan ay ku xardhan yihiin Astaanta Xisbiyada Mucaridka Ah ee Wadni iyo Ucid iyo Istiigarada Sawirradda Gudoomiyaha Madasha Wadtashiga iyo Toosinta Qaranka Muj. Xasan Guure Jamac .
Masuuliyiin, Xildhibaano, iyo Dhalinyarro ka tirsan Xisbiyada Mucaridka ah ayaa ku sugan Gobolka Gabileykuwaasi oo la doonayo inay Qodxaha ka guraan Gabiley , isla markaana u sii gogol xaadhaan Soo dhawayn loo fidiyo Gudoomiyaha Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Muj. Xasan Guure Jamac iyo Masuuliyin kale oo ka socda Labada Xisbi Mucarid ee Wadani Iyo Ucid oo Maalinta isniinta la filayo inay Gabiley soo gaadhaan.
Qaar ka mid ah Taageerayaashii ugu firfircoonaa Xisbiga kulmiye islamarkana ku biiray xisbiyada Mucaridka oo ka hadlay soo dhawaynta Malinta isniinta ee bishu tahay 16/03/2015 la qabanaayo islamarkana lagu taageraayo isbahaysiga xisbiyada mucaridka ah iyo masha wadatashiga iyo toosinta qaranka somaliland,ayaa waxaa hadaladoodii ka mid ahaa.“Mar danbe in Tunkayga la rartaa ma dhacayso, Xisbigan Kulmiye hore waxaan u soo taageeray laga soo bilaabo Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanada, tii Madaxtooyadii hore ee lagaga guulaystay, Doorashadii Golaha Wakiilada, iyo Doorashadan ugu danbaysay ee Siilaanyo ku guulaystay. Waxaan filanayey in marka uu ku guulaysto aan ka kici doono hadhka aan fadhiyo, iyo Geedkan, Sodon aan jirayna Bilaa Camal ayaan ahaa, Ballan-qaadkii uu Xisbigani I siin jiray ee aan is lahaa waa Mujaahidiintii Dalkan u soo halgamay oo Cid kasta way uga damqasho badan yihiin ee Iyaga taageer Waadigaa arkaya ilaa Imika Geedkii aan Toban sanno horteed fadhiyey, ayaan Fadhiyaa, Waa maxay Wajiga uu Kulmiye ka doonayaa Gabiley ?”. Sidaa waxa yidhi Muxuyadiin Cumar . Oo ka tirsanaa Taageerayaashii ugu firfircoonaa ee Xisbiga Kulmiye.
Dareenada kala duwan ee ka soo baxaya Dadwaynaha Gabiley iyo tabashooyinka Gaamuray ee loo Hayo Xisbiga kulmiye oo ay ku hawlanyihiin masuuliyiinta xisbiyada Mucaridka Ah iyo Madasha Wadtashiga iyo Toosinta Qaranka somaliland
Cabdirasaaq Axmed Hayaan Arabsiyonews.com Office Gabiley








