Madaxwaynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsiya Udiray Marxuum Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale Oo Ka Tirsanaa Xildhibaanada Golaha Wakiilada

0

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, labada golle ee wakiilada
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale oo ka tirsanaa xildhibaanada golaha wakiilada oo ku geeriyooday Hargeysa maanta, 08/03/2015

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul ka baxay bulshada iyo qaranka somaliland, kana soo shaqeeyey nabadayntii, iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, labada golle ee wakiilada, iyo guurtida, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.IN-NAA
Arabsiyonews.com Office Gabiley