Wasiir Samaale oo iftiimiyey sababaha xilka looga qaaday iyo cida kala fogaysay Madaxwaynaha

0

Hargaysa(AN)Wasiirkii Hore ee Wasaarada Maaliyada somaliland Cabdi Casiis Maxamed Samaale ayaa ka waramay Sida Xilka looga qaaday iyo sababah loo aneeyay,waxaana uu sheegay in qofkasta Ay wanaagsan tahay warka loo keeno inuu iska Hubsado.

Samaale waxa uu iftiimiyay in Xaasid-nimo ay kala kaxaysay iyo Madaxwayne Siilaanyo,Balse Hankiisii Madaxwayne Halkii Taagan yahay,Xisbiga Kulmiyena Ka Tirsan yahay.

Waxa uu sheegay in madaxwayne siilaanyo ay kalsooni Badani ka dhaxaysay iyo is aaminaad,hadana ka dhaxaysay,wararka sheegaya in ay isku qabteen miisaaniyadana waxa uu ku tilmaamay qaar been Ah.

“wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada somaliland Cabdi Casiis Maxamed Samaale oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu raaciyay“Aayaadkaasi

Sabab Nasuul bay leedahay laakiin, waa Qiso Umadda Muslimiinta ah mar walba si guud loogu sheegayo inay jiraan wakhtigii Asxaabta iyo hortoodba inay dadka kala geeyaan oo kala kaxeeyaan, Illaahay baa leh hubsada warka la idiin keenayo.

Samaale waxa uu sheegay in Kalsooni Badani ka dhaxayso Madaxwayne Siilaanyo iyo isaga.”Xilka maanta aan hayay ee Wasaaradda waxaa Ii Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waanan uga mahad-naqayaa, Kalsooni uu igu qabay oo aanu isku qabnay ayuu iigu magacaabay, waxaa naga dhexeeyay Madaxweynaha Kalsooni, wada shaqayn iyo Is Aamin, walina naga dhexeeya, wuu naga dhexeeyay walina wuu naga dhexeeyaa,Laba qof oo kasta oo isjecel, wada shaqeeya oo isku xidhan oo Saaxiibo ah, Xasad iyo Xaasid ayay leeyihiin. Waxaa jira dadka qaar warka inta xun uun ka shaqeeya, iyo isku dirka iyo kala fogaynta”

waxa uu ka shekeeyay wasiirku qisooyin hore u dhacay.”Waxaa Jirtay Qiso in Rasuulka(SCW) Nin Reer Baadiye ah u sheegay in Wakhti heblaayo Sekeda loo soo dooni doono. Ninkii oo sii diyaariyay Sakadii Xoolihiisa oo sugaya Ballankii Rasuulka(SCW), ayaa Rasuulku(SCW) Nin Sakada ka soo qaada u soo diray, Ninkii Sakada loo soo diray muu soo gaadhin Ninkii sakada laga soo qaadayay ee dhex duu ka soo noqday isagoo leh Ninkiina Sakadii iima soo dhiibin anna waa la I dili gaadhay oo dirqi ayaan ku soo fakaday.

Ninkii Sakada laga soo dooni waayay wuxuu Yidhi Rasuulka Illaahay been ma sheego wakhtigii uu ila ballamayna way gaadhay ee Sakada ayaan u gaynayaa, waxaana dhexda iskaga hor yimid Ciidan Rasuulkii(SCW) u soo diray Ninkan sakada diiday iyo Ninkii oo sakadii wada, waxaana la iskula tagay Rasuulka, xilligaana waxaa soo degay Waxyi Illaahay leeyahay hadduu Mid war idiin keeno Iska Hubsada. Maanta waxyi soo degi maayo laakiin, Ayaamaha dhaw ee aan fogayn wax walba horteenay iman doonaan” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

Cabdicasiis Samaale waxa uu sheegay inay arrinta isku dirka isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo gaadhay in isaga cod loo eekaysiiyay la duubay loona geeyay Madaxweynaha.

“Maanta waxaa la odhanayaa cod baa la duubay oo la hayaa, Cabdicasiis oo Madaxweynaha Caayaya, waa wax dhacaya oo aan caddayna loo hayn laakiin, inta loo eekaysiiyo ayaa sidaas la odhanayaa” ayuu yidhi Cabdicasiis.

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk