Jubba(AN)Hogaamiyeyaasha South Sudan, ayaa isku mariwaayay qorsheyaal lagu doonayay in lagu heshiis siiyo labada dhinac, si loo soo afjaro colaadda muddo sanadka badan ka taagan waddanka dunida ugu da’da yare e South Sudan.
Madaxweyne Silva Kiir iyo hoggaamiyaha falaagada Riyaq Mashar ayaa ku guul daraystay in ay heshiis ka gaadhaan sidii ay awooda u qeybsan lahayeen, iyadoo saacada yar uun ay ka hadhsanyihiin waqtigii kama dambeysta ahaa ee loo qabtay in ay heshiis ku gaadhaan..
Waqtigaasi kama dambaeysta ah waxa u qabtay Urur goboleedka IGAD oo dhaxdhaxaadinaya labada dhinac.
Maalintii Salaasada, golaha amaanka ee QM waxa uu meel mariyey qorshayaal cunaqabateen ah oo lagu bartilmaameedsanayo shaqsiyaadka looga shakinayo in ay is-hortaagayaan hanaanka nabada ee dalkaasi South Sudan.









