Ururka ugu weyn ee Xuquuda Aadanaha ee Yurub ayaa xukumay in Faransiisku ku guuldareystay in uu mamnuuco dhirbaaxida ciyaalka taasoo ah mid jabineysa mid ka mid ah heshiisyada Yurub.
Gudiga Yurub oo aan awood u lahayn in ay talaabo ka qaadaan dowladaha ayaa sheegay in qaanuunka Faransiiska ee la xidhiidha ciqaabta caruurta uusan aheyd mid si wanaagsan u qeexan.
Waalidiinta Faransiiska ayaa qaanuunku u ogolyahay in ay edebsadaan caruurtooda, in kastoo ciqaab aan laga ogoleyn iskuuladda.
Wasiirka Qoyska ee Faransiiska,Laurence Rossignol oo hadashay xukunka ka hor ayaa sheegtay in aysan aaminsaneyn in dalka Faransiisku u baahan yahay qawaaniin la xidhiidha edbinta ciyaalka