Baraf Xoogan Oo La Filayo Inuu Ku Dhufto Qaar Ka Mid Ah Gobolada Maraykanka

0

E2B16729-D47C-4219-B92B-0CFFB6E0799B_w640_r1_s

Dalka Maraykanka waxa si weyn loo dhowrayaa baraf iyo qabow daran oo ka dhaca gobolada qaarkood. Bishii November ee ina dhaaftay ayaa noqotay bisha February ee ugu qaboobeyd taariikhda gobolada Maraykanka qaarkood. Waxaa dadka Maraykanka ku dhaqani ay la yaabban yihiin in cimiladu ay sidan sii ahaato iyada oo la galay bishii March, xiligii guguna uu soo dhow yahay.

Magaalada Washington, DC iyo gobolada la dariska ah ee Virginia iyo Maryland ayaa ka mid ah kuwa cimilada aadka u daran laga filayo. Meelaha sida weyn loo eegayo in baraf darani ka da’o waxa ka mid ah gobolka Tennessee oo ku yaalla koonfurta Maraykanka, isla markaana aanan looga baran cimiladan oo kale.