Waa Sidee Xaaladda Caafimaad Ee Sheekh Aaden Siiro Iyo Inantiisa Oo Maanta Qalliin Wada Jir Ah Lagu Sameeyay

0

Sheekh-Aaden-Siiro-150x130

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland isla-markaana shantii bilood ee u dambeeyay xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka Hindiya ayaa maanta lagu sameeyay qalliin.

Xaaladda Caafimaad ee Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) ayaa wanaagsan, ka dib markii lagu guuleystay Qalliin lagaga sameeyay labada kalyood midkood isla-markaana lagu rakibay kali kale oo ay ugu deeqday Alle khayr ha siiyee inantiisa Asma Sheekh Aaden Siiro oo iyadana xaaladdeeda caafimaad fiican tahay.

Sheekh Aaden Siiro iyo Asma Sheekh Aaden ayaa si wada jir ah uu qalliin ugu sameeyay Cisbitaal weyn oo ku yaalla Magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya, kaasi oo uu Sheekhu xaalad caafimaad ugu tagey shan bilood ka hor.

Sheekh Aaden Siiro oo aanu xidhiidh la samaynay ayaa xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay, ka dib markii qalliinnada isaga iyo Inantiisa Asma lagu sameeyay ay u fuleen sidii loogu talo-galay, waxaana la filayaa in Haddii Alle idmo uu dhawaan Sheekhu dalka dib ugu soo laabto.

Sheekha oo kaalin weyn kaga jira horumarinta dalka iyo taakuleynta dadka danyarta ah ee Somaliland, ayaa bilihii u dambeeyay ay dadweynaha reer Somaliland ee gudo iyo dibadba ay hawada u marinayeen duco, iyaga oo ILAAHAY u waydiinaya caafimaad taam ah.