Kooxda Al-shabaab Oo Soo Bandhigtay Weerarkii Ay 50-ka Qof Ee Kenyan-ka Ahaa Ku Dishay + Sawiro

0

Warbaahinta al-Shabaab ayaa Internetka ku faafiyey muuqaal Fiidiyow ah oo ay ka duubeen weerarkii Mpeketoni gobolka Lamu dalka Kenya bishii Juun 2014. Weerarkaas ayaa lagu diley dad ka badan 50 qof, dadka badankood ayaa lagu diley goob ay si wada jir ah ugu daawanayeen ciyaarihii adduunka ee ka socdey dalka Brazil.

Mpeketoni

Kooxda ka tirsaneyd al-Shabaab ayaa dab qabadsiiyey Hoteel, Bangi, Saldhigga Booliska, guryo iyo gawaadhi badan.

 

Muuqaalka al-Shabaab soo saarey waxaa ka muuqda kooxda weerarka qaadey oo diyaar garoobeysa, kadibna socod dheer galaysa, waxaana ay ku dhawaayeen 21 qof oo si weyn u hubeysan.

 

Filimka al-Shabaab ayaa ku bilaabanaya Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ku doodaya in cadeynmo badan la hayo kuwaasi oo muujinaya in weeraradan ay soo abaabuleen isla markaana fuliyeen kooxo Kenyaan ah oo doonaya inay arrimo siyaasadeed u adeegsadaan khal-khal gelinta amniga Kenya.