Ferguson (AN) Baadhitaan waaxda Caddaaladda Maraykanku samaysay ayaa lagu Ogaaday in tacadiyo lagulla kaco Dadka Madowga ah ee Maraykanka, islamarkaana lagaga qaado Lacago Cashuuro ama ganaax ah oo aan sharci ahayn.
Baadhista ayaa ka dhalatay Dilkii loo gaystay Michael Brown oo ahaa Nin Madow oo Askari caddaan ahi dilay bishii August ee sanadkii hore, waxaanay dhalisay qalalaaso ka dhacay magaalada Ferguson.
Go’aan la soo saaray bishii November ayaa guddi xeer-beegti ahi ku sheegtay inaan wax talaabo ah laga qaadayn Askariga dilka gaystay balse arrintaasi ayaa qaybo Maraykanka ka mid ah ka abuurtay qalalaase iyo dibad baxyo balaadhan.
Arrintaasi jawaabteeda, waaxda caddaaladda waxa ay bilowday baadhitaan ku saabsan xuquuqda rayidka, taas oo gebagebadeeda aanay sahlaneyn.
Waxa u soo baxday in laanta booliska, xabsiga degmada iyo saraakiisha Maxkamadda ay muujiyeen midab kala sooc aan loo kala hadhin.
Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in baadhitaanka lagu ogaaday in ciidamada ay adeegsadeen awood xad dhaaf ah oo aan sax ahayn oo ka dhan ah dadka madowga ah, sidoo kalena lagu eedeeynayay dembiyo aan sidaa u weyneyn. Qaar ka mid ah eedahaasi waxa ay huriyeen in la dulsaaro canshuuro ama ganaax aan ka mid ahayn badbaada shacabka.
Waaxda caddaaladda, sidoo kale waxa ay ogaatay in dadka African American ka ah boqolkiiba 68 ay u badan tahay in dacwadaha ay qabaan ay maxkamadaha tuuraan marka loo eego dadka kale.
Bishii April illaa bishii September ee sanadkii tagay, 95 boqolkiiba dadkii ku xidhnaa xabsiga Ferguson in kabadan laba maalin waxa ay ahaayeen madow









