Netenyahu oo sheegay in xiriirka Maraykanka & Isra’iil uu weli wanaagsan yahay

0

Israeli Prime Minister Benjamin Netanyah
Raysalwasaaraha maamulka Isra’iil Benjamin Netenyahu oo shalay booqasho ku tagay xarunta Maraykanka ee Washington ayaa kulan la yeeshay kooxaha Maraykanka uga ololeeya maamulka Isra’iil.

Kulankan uu la yeeshay Netenyahu dadka Yuhuuda ah ee ku dhaqan Maraykanka ee dalkaasi uga ololeeya taageerada Isra’iil ayuu wuxuu khudbadiisa ku sheegay in xiriirka Maraykanka iyo Isra’iil uusan xumaan balse uu weli hagaagsan yahay, wuxuuna intaasi raaciyey inuu sii wanaagsanaan doono sanadaha soo socda.

Netenyahu ayaa qaar kamid ah Yuhuuda ku dhaliileen siyaasadiisa marar badan keentay inay isku dhacaan Aqalka Cad ee Maraykanka iyo gaar ahaa Madaxweyne Barack Obama.

Obama ayaa diiday inuu qaabilo Netenyahu inta uu ku sugan yahay Washington sidoo kale Xoghayaha Arrimaha Dibada John Kerry ayaa u dhoofay shir xuquuqul Insaanka looga hadlayo oo ka dhacaya Switzerland. Halkaasi oo uu kula kulmi doono dhigiisa Iran.

Raysalwasaaraha Isra’iil ayaa maanta oo Salaasa ah lagu wadaa inuu khudbad kasoo jeediyo Baarlamaanka Maraykanka, wuxuuna casumaada uu ku yimid Maraykana ka helay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ah hogaanka xisbiga Jamhuuriga John Boehner.

Benjamin Netenyahu ayaa wada olole uu doonayo inuu Maraykanka uga dhaadhiciyo in la joojiyo wadahadalada lala wado dowlada Iran ee ku aadan Barnaamijka Nukliyeerka, isagoo ka digaya in Iran ay wado qorshe hoose oo ay ku dhameystireyso hubkeeda Nukliyeerka.