Wararka “Madaxweyne, Waxay Beelaha GABOOYE Kaa Sugeyaan Inaad U Magacowdo Wasiirro, Ku Xigeenno Iyo Xoghayaha Dawladda Hoose Oo Hadda Bannaan” Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud By Berbera - March 3, 2015 0 FacebookTwitterPinterestWhatsApp Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud oo ka mid Mudanayaasha Golaha Guurtida ugu jira Beesha Gabooye ayaa sheegay in isku shaandheyntii Madaxweynaha ay ka arad-neyd cadaaladda. Xildhibaanka oo shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa yidhi “Waxaan halkan Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxauud (Siilaanyo) ugu gudbinayaa Baaq, waxaanan Cod dheer kugu sheegayaa in ay Xukuumadada ka maqan yihiin Beelaha Gabooye kana dhex-muuqan, magacaabistaada iyo isku shaan-dheynta Xukuumadda aad ku sameysay aanad waxba soo darin hadda iyago oo kaa dhur-sugaayaa, Md. Madaxweyne waxaan kuugu Baaqayaa kuna soo jeedinayaa in aad uu magacaawdo si ay uu helaan xaqaa Beelaha Somaliland ee kale sii loo hello Bulsho isku dheeli tiran oo dhinac walbana ka dhameystiran loona helo sinaan iyo Caddaalad wadaa deeqda dhammaan Shacabka Reer Somaliland ayaan ku soo jeedinayaa” yidhi Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud. Waxa kale oo uu sheegay mudanuhu inuu Madaxweynaha Somaliland uu Magacaabo Beesha Gabooye wasiirro iyo ku xigeenno “Madaxweyne Waxaan ka codsanayaa inaad Beesha Gabooye aad uu Magacaawdo Wasiirro Iyo ku xigeeno, agaasimayaal Guud, agaasimo Waaxeedyo, Guddoomiyeyaasha Hay’daha madaxa-banaan, isu-duwayaal iyo Taliyayasha Ciidamada Qaran ee kala duwan, Xoghayaha Dawladda Hoose ee Caadimadda oo Hadda Banaan, iyago oo xilalkaas aan soo sheegay uu xaq u leh isla markaana Buuxina kara hanaana kara lehna karti waayaragnimo iyo aqoonba, kuwaasoo gaadhsiisan ilaa Heer jamacadeed lehna siyaasiyiin waxgarad iyo aqoonyahanaba iyo waliba Culimo, Madaxweyne Bulshada Gabooye dhinac walba way ka dhisaan yihiin xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray “Md Madaxweyne waxad Bulshada Somaliland uu ballan qaaday marar-badana ku Cel-celisay inaad ugu shaqeyn doonto cadaalad iyo si sinaan ah, isla markana ku dhaqayso Dastuurka Dalka iyo shuruucda kale ee uu Yaala Jamhuuriyadda Somaliland”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray isagoo baaq u diraya qurba-joogta Gabooye “Waxaan beelaha Gabooye ee qurbaha ugu baaqayaa inay ka qayb qaataan wixii horumar ah ee dalka ka socda Kana qayb qaatan sidii Somaliland uu hesho icitiraaf Buuxa…”