Subaxnimadii maanta oo Salaasa ah waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimadda Puntland Garowe ka duuley wefdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas. Safarka Madaxweynaha ayaa ku jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba.
Wasiiro katirsan xukuumada Puntland, Isimo ay kamid yahiin Islaan Ciise Islaan Maxamed & Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, Xildhibaano , Waxgarad ayaa qeyb ka ah wefdiga uu hogaamaaminayo Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo casumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Maamulka kumeelgaarka ah Jubba Axmed Maxamed Islaam.
Garoonka diyaaradaha ee Magaalo Madaxda Puntland ee Garoowe ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ku sii dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad , Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan Degmada Garoowe iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Gaas oo warbaahina la hadley ayaa sheegay:
“Waxaa maanta farxad weyn noo ah wefdi aan hogaaminayo oo ka kooban Golayaasha Dawladda iyo isimada Puntland in aanu safar ku aadno magaalo madaxda Jubbaland ee kismaayo, waxaana u soconaa inaanu adkayno xiriirka u dhaxeeya labada dawladood Puntland iyo Jubbaland”
Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in Puntland iyo Maamulka Jubba ay ku midaysan yihiin adkaynta midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed si looga baxo dhibka muddo badan soo jiitamayey ee kajira Soomaaliya.
” Jubbaland iyo madaxweyne Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaan la yeelan doonaa kulamo wada tashi ah waxana rajeynaynaa in socdaalkayagu uu ku soo dhamaado guul kana soo baxdo waxdan u ah umadda Soomaaliyeed” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Wefdiga Puntland ayaa la sheegayaa in ay Kismaayo ku sugnaan doonaan muddo saddex maalmood ah. Wefdiga Puntland waxay shirar la qaadan doonaan maamulka Jubba, odoyaasha dhaqanka iyo ganacsatada Kismaayo, waxaa laga wada hadli doonaa iskaashi dhex mara labada maamul sida:
- Iskaashiga amniga iyo isdhaafsiga sirdoonka
- Iskaashi Ganacsiga
- Dardargelinta hirgelinta #hiigsiga2016, iyo sidii mowqif mideysan looga qaadan lahaa taabo gelinta hiigsiga 2016 ee la doonaayo in dalka ay doorashooyin ka dhacaan.
Horey waxaa Puntland booqasho saddex jeer ah ku yimid Madaxweynaha kumeelgaarka ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan.
Waxay noqoneysaa markii u horeysey ee Madaxweyne ka socda Puntland uu booqdo Kismaayo tan iyo markii la dhisey maamulka Jubbaland. Waxaa bishii janaayo booqdey Kismaayo madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka qaybgalay xaflad lagu caleema saarayey Madaxweynaha kumeel-gaarka ah ee Jubba.
















