WAR DEG DEG AH RASAAS XOOGAN OO LAGA MAQLAYO AGAGAARKA DAWLADA HOOSE EE HARGEISA XILI KHILAAF BA’ANE KA TAAGANYAHAY TIYAATARKA HARGAYSA

0

imgres

Weerar iyo dagaal xoogan ayaa ka qarxay dhisamaha xarunta madadaalada ama tiyaatarka magaalada hargeisa, dagaalkaasi oo ka dhex qarxay ciidamada RRU da iyo shacab hubaysan ayaa ilaa iyo haatan ka socda halkaasi.

Hubka nooca culus iyo noocyada yar yar

ayaa labada dhinacba isu adeegsanayaan waxaana xiisadani ka dhalatay kadib kolkii saaka xukuumadu qayb kamid ah tiyaatarka ka iibisay ganacsadayaal aan haybtooda la garanayn halaaso hore looga iibiyey gebi ahaanba nin ganacsade ah oo lagu magcaabo Cumar Caydiid kana soo jeeda beesha Ciidagali shacabka dagaalamaya oo ku hubaysan qoryaha darandooriga u dhaca ee uu kamid yahay BkM ama badh-dalool ayaa hayb ahaan kasoo horjeeda ganacsadaha xukuumadu doonayso inay qayb kamid ah dhulka hore looga iibiyey ka qaado ayaa qoryahoodu ku dul rakibay dabaqyada sare ee daartaasi.

rasaas xoogan ayaa labada dhinacba isu adeegsanayaan waxaana aagaasi dhamaanba ka qaxay dadkii ku ganacsan jirey dariiqaasina waa mid loo mari la’yahay rasaasta lays way daarsanayo wararku waxay intaas ku darayaan dad rayid ah oo.ku dhaawacmay walow aan tiro sugan lahayn kala soco Rasamaal News Media  wixi kasoo kordha.