Badhasaabka Gobolka Sanaag Oo Xabsiga U Taxaabay Isuduwaha W.Qorshaynta Ee Gobolka Sanaag+Sababta Ka Danbaysa

0
Capture

Ceerigaabo(AN) Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay Ayaa Saaka Amar Ku Bixiyay In la Xidho Isuduwaha Wasaarada Qorshaynta Ee Gobolka Sanaag Faysal C/kariin  Xirsi

Waxan Isuduwaha Lagu Xidhay Saldhiga Dhexe Ee  Magaalada Ceerigaabo

Kadib Xadhigaasi Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cadi Falaay Oo Aanu Isku daynay In Aanu Wax Ka Waydiino Amuurtani Ayaa Gebi Ahaanba Iska Joojiyay Ka Hadalka Amuurtaasi

Dhanka Kale Isuduwaha Wasaarada Qorshaynta Ee Gobolka Sanaag Ayaanay Noo Suura Gelin In Aanu Wax Xadhigiisa Uu Ku Saabsanyahay Wax Ka Waydiino

Xadhiga Isuduwaha Wasaarada Qorshaynta Ayaa Loo Aanaynayaa Kadib Markii  Badhasaabka Gobolka Sanaag Iy Isuduwaha Isku Maandhaafeen Kulan Lala Lahaa Haayadaha Kala Duwan Ee ka Hawlgala Gobolka Oo Uu Badhasaabku Doonayay In Hallka Shirarka Ee Xarunta Gobolka Sanaag Uu Ka Dhaco Kulankaasi    Halka Isuduwaha Wasaarada Qorshayntuna Uu Dhankiisa Doonayay In UU Ka Dhaco  Xafiiska Wasaarada Qorshaynta

Waxana Kualnkani Badhasaabka U Noqnayay Kii Ugu Horeeyay Ee Uu La Yeesho Haayadaha Kala Duwan Ee ka Hawlgala Gobolka Sanaag Tan Iyo Markii Bishii La Soo Dhaafay Uu Xilka Kala Wareegay Badhasaabkii Hore

Isudwaha  Ayaa Saacado kadib  La Sii Dayay Kadib Markii Ay Qaar Kamida Laamaha Dowlada Ee Gobolka Sanaag Codsiyo Kala Duwan Gaadhsiiyeen Badhasaabka Gobolka Sanaag Mr Falaay Waxyna Ku Guulaysteen In La Siidaayo Masuulkaasi

Isuduwaha Wasaarada Qorshaynta Ee Gobolka Sanaag Ayaa Tani Waxay Noqonaysaa Markii Sadexaad Ee Gudoomiye Gobol Xidho Iyada Oo Labadii Gudoomiye Ee Ka Horeeyay Gudoomiye Falaay Ay Sidan Oo Kale U Xidheen