
Madaxweyne ku xigeenka dalka Sierra Leone ayaa naftiisa karantiilay kaddib markii mid ka mid ah ilaaladiisa uu Ebola u dhintay.
Mr Samuel Sam-Sumana ayaa sheegay inuusan qofna xiriir istaabasho ah la sameyn doonin 21 maalin oo uu meel keli ah isku go’doominayo.
Sidoo kale, dalka ayaa xayiraado dheeraad ah soo rogay taas oo sabab u ah kiisas kale oo Ebola ah oo la xaqiijiyay.
Tafatiraha wararka Afrika ee BBC-da Mary Harper, ayaa ka warrameysa, Axmed Xaji Xasan ayaa soo jeedinaya.
Dowladda ayaa waxa ay sheegeysaa inay si hoose uga walaacsan tahay sare u kaca kiisaska cusub ee Ebola.
Inbadan oo ka mid ah kiisaska ugu dambeeyay waxaa laga helay dadka ka shaqeeya howlaha badda.
Taasi waxa ay dhalisay in sare looqaado baaritaanada lagu sameynaayo dadka saaran doomaha iyo maraakiibta yaryar, waxaana la mamnuucay maraakiibta habeenkii safarta.
Waxaa sidoo kale la yareeyay tirade dadka hal mar isla raaci kara gaari tagsi ah, waxaana baaritaano adag oo caafimaad lagu sameynayaa dalka oo dhan.
Dhammaadkii sanadkii hore, waxaa jirtay yididiilo ah inay hoos u dhacayeen kiisaska Ebola ee dalka Sierra Leon.
Balse taasi way isbedeshay iyadoo hay’adda WHO ay sheegtay inaysan ogaanin sababta.








