Berbera, (AN) Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo cid kasta oo qaranka Somaliland wax u qabanaysa oo horumar gaadhsiinaysa.
Gudoomiyaha Gobolka Saaxil waxa uu sidoo kale sheegay in aanay jirin odayaal reer Saaxil ah oo isaga Badhasaab ahaan kala soo xidhiidhay sidii ay ula kulmi lahaayeen Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu tilmaamay in Odayaasha Gobolka Saaxil daqiiqada daqiiqada ay doonaan loo gayn karo Madaxweynaha.
Badhasaabka Gobolka Saaxil Mr Fahmi Cabdi Bidaar waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi uu Khadka Telefoonka ku siiyey Wargeyska Sahan, waxaanu intaa ku daray in aanay jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya isaga iyo Maareeyaha dekeda Berbera Cali Xoor-xoor.
Gudoomiyaha Gobolka Saaxil oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Odayaasha hadii la arkayo qofkii Madaxtooyada ama Madaxweynaha ku xidhi lahaa ee lasoo mari lahaa waa aniga, Odayaasha Gobolka Saaxil daqiiqada ay doonaan ayaa Madaxwaynaha loo gayn karaa, laakiin ma jirto odayaal noo yimid oo Madaxtooyada noo geeya yidhi ma jirto.
Odaayasha Xeebsoor ku shirayna maaha odayaashii dhaqanka, oo Waa la yaqaanaa cuqaasha, salaadiinta iyo wax-garadkaba, ilaa xildhibaanada Golaha Deegaanka ee gobolka Saaxil waa la yaqaanaa.
Intaan Madaxwaynaha loo tagin anigaa masuulkii gobolka ah ee aniga ha isoo maraan dabadeed si wanaagsan ayaan iskugu xidhayaa iyaga iyo Madaxwaynaha”.
Badhasaabka Gobolka Saaxil mar la waydiiyey sida uu u arko Gudoomiye ahaan shirkad maalgashi ku samaysa Dekeda Magaalada Berbera oo lagu wareejiyo ayaa waxa uu ku jawaabay “Anigu waxaan aaminsanahay in wixii qaranka wax u qabanaya ee horumar lagu gaadhayo Cidii horumarkeeda haysa lagu wareejiyo”.
Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Saaxil mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd in khilaaf iyo isqabsi uu kala dhexeeyo Maareeyaha dekeda Berbera iyo Dacwad Cali Xoor-xoor looga gudbiyey Madaxtooyada ayaa waxa uu yidhi “Wax gobolka is-haystaa ma jiraan wax dhinac iyo dhinac la yidhaahdaana ma jiraan, Mana jiraan warar dacwada oo Cali Xoor-xoor Madaxtooyada looga gudbiyay. Saddexda nin ee la leeyahay way is-haystaan ninka u masuulka ahi waa aniga, Anaana dhex jooga oo ismaba qaban karaanba.
Odayaasha Gunada laga jaray taasi waa siyaasad Xafiiskayga U Taala oo anagaa wada-shaqayna, waxay ahaayeen kuwa iman waayay markii aan diiwaagalinta ku jirnay, ilaa ay yimaadaan oo ay shuruudaha buuxiyaan wax danbe lama siinayo”. Ayuu yidhi Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Mr Fahmi Cabdi Bidaar.









