“Xadgudubyo Siyaasadeed Oo Intee Leeg Baa Somaliland Ka Jira?” Asad Xaaji Cali

0

767c75ecad3991f7808e6d399090da2b_M

Dawladnimada Somaliland mudo hada laga joogo 24 sano ku dhaw ayey taabo qaaday, wakhti kasta heer ay joogtaba waxaa u kala dambeeyey saddex dawladood oo intoodaba la soo doortay.

 

Labadii dawladood ee kala dambeeyey hadii aynu tusaale u soo qaadano waxaa kala hogaaminaayey Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxweyne Axmed Siilaanyo oo haatan xilka haya.

 

Hadi aynu is barbar dhig ku samayno dhanka dawladnimada. Rayaale dadka siyaasada indha indheeya waxay ku sheegeen inuu ahaa nin lagu tilmaamo isku haynta umada iyo dalka, laguma xaman jirin reer jeclaysi iyo u kala eexasho dadka wada daga Somaliland.

 

Tan maanta talada dalka haysa waa caksiga dawladii Riyaale, marka laga reebok or u qaadka hanka ciidamada iyo kobcinta aqoonta oo ay dugsiyadii hoose ka dhigtay bilaash.

 

Dawlada Siilaanyo hogaaminaayo waxaa lagu tilmaamaa dawlad ay ku xeeran yihiin koox yar gaashaanbuur isku ah, jecel iyaga mooyee in aanay cid kale noolaan, taasina waa mida dawladaha waaweeyn dhawaan ka horseeday kacdoonka iyo nacaybka loo hayo hogaanada kala duwan ee karkaarka la waydaariyey.

 

Xeel dheere dhanka aqoonta meel sare ka gaadhay oo u dhashay Kuwaiti oo lagu magacaabo Dr Cabdalla Nafiisi ayaa si mug leh u sharaxay dhibaatooyinka ka dhalan kara maroorsiga xukunka iyo xoolaha umada, waxaanu u kala qaaday saddex qodob.

 

1.  Xadgudub Siyaasi Ah

“Waa marka ay koox yari madaxtinimada umada qabsato, intay qaarabada u ahaydna intay ku soo xeertay, dabeeto basharka intii kale sida xoolaha loola dhaqmay, waxay cuqaal, indheer garad iyo culimo lahayd layska ilaabay oo la bahdilay ama la tuuray, isla markaana ay gacana ku dhigeen koox wax magarato iyo xadgudbayaal ah, una arkay madaxtinimadu inay tahay meel dadka lagu dhaco oo lagu boobo oo aanu arkayn inay tahay xil aakhiro lagu weydiinaayo iyo imtixaan aad korodhsanaayso”

Maanta Somaliland heerkee ayuu marayaa xadgudubka siyaasiga ahi? Halbeega saar oo eeg hareerahaaga, maxaa ka dhacaya, sidee ayey wax u socdaan? Goormaa halkan la gaadhay?. Su’aalahaas oodhami waa kuwo ay dadka badankoodu haatan jawaab u waayeen, laakin ay hubaan in wakhti koobaan laga bixi doono oo ay iman doonto dawlad Alle iyo umadiisa taqaan.

2.  Sharaftii iyo maalkii umada oo in gaar ahi isku koobtay

Siyaasada caalamkaa taalaa maantay waxay ka turjuntaa odhaahda tidhaahda “how to distribute the world duties and right power and opportunity”  oo ka waramaysa qaybinta hantida, xuquuqda, awoodaha, waajibaadka iyo fursadaha oo loo cadaalada loo qaybiyo.

“Umadani waxay haystay hanti iyo maal oo in gaar ahi isku koobtay dadka intiisa kalena la qadiyey, kuna qaadatay xadgub, iyadoo maanta siyaasaadka aduunka ka jiraa guud ahaantood ay ka waramaan sida dadka loogu qaybiyo hantida, xuquuqda, waajibaadka, awoodaha iyo fursadaha, iyo waxa ay umadu leedahay sida loo qaybinaayo ayey ka waramaan aragtiyaha siyaasiga ah ee la sheegaaba. Intaas oodhan wuxuu leeyahay cidbaa isku qaadatay iyadoo dadkana loo arko inay yihiin wax jeebkooda la baadho.”

Umada intaas leeg oo mid kasta laga qaado cashuur sidee ayaa dib loogu soo celiyaa? Maxaase loogu qabtaa?

Aduunyadu maanta siday u dhisantahay waa cashuur bixin, laakin inaga caalamul Islaami dadku ma fahmo inay cashuur bixiyaan, cashuurtaa waxaa qaadata dawlada markaa jirta sidee ayey u qaybiyeen ama dadka wax ugu qabteen?

Saw ma ogid koobka shaaha ee aad cabto biyaha inay dawladu  badh qaado, oo shaaha madaw cashuur laga qaado, oo sonkorta laga qaaday, oo ka maqaaxida laga qaado, oo guriga laga qaaday, waxaas oodhan yaa bixiya? Ninka taajirka ahi ma bixiyo ee isagu markuu alaabta soo dejiyo ee cashuur boqolaal kun ah laga jaro, boqolaalka kun wuxuu ku xisaabiya waa kharaashkii uu galay, dabeeto macaashkiisa ayuu dul saartaa, kharashka ganacsaduhu galay yuu ka go’an yahay? Waa adigaagan koobka shaaha iibsanaya, markaad laba shaaha cabto midbay dawladu cabtay ayey ka dhigan tahay.

Qof kasta oo jooga jeebkiisa dawladu waxbay ka qaadaa. Su’aasha isweydiinta mudani waxa weeyaan maxay ku qabtaa? Sidee umada wax loogu qaybiyaa? Waa go’aankaaga

3.  Daba socoshada dawladaha shisheeya

Qodobka saddexaad ee uu Dr Cabdalla Nafiisi sheegayo waxaa ka mid ah in nidaamada ama dawladaha jiraa ay u hogaasan yihiin oo ay daba socdaan dawlado shisheeye oo wax kasta oo ka soo baxa dawladahaas ay fulinayaa. Dadkooda waxgaradka, culimada iyo aqoonyahan ka ah oo aan  dhag jalaq loo siin, waxaabad moodaa inay iyagu yihiin maamulada dhabta ah ee ka arrimiya oo waxay sheegaan hore ayaa laga fulinayaa.

Asad Xaaji Cali

Italy-Malta