“Anigoo ah Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi C/laahi xukuumadda maanta jirtaa, waa xukuumad wax-qabatay oo dalka wax-qabad balaadhan oo aan la dafiri Karin ka hirgelisay.
Waxaan jeclaaday inaan dhawr qoddob ka xuso waxyaabihii u hirgalay xukuumadda Axmed Siilaanyo.
1. Darajada ciidamada Somaliland oo ay maanta noocyadda ciidammada ka muuqato haykalkii Qaranimo.
2. Kordhinta mushaharka ciidamada Qaranka iyo shaqaalaha dawladda oo laba jeer loo kordhiyay shantaas sanadood ee Siilaanyo hoggaaminayay dalka.”
3. Diiwaangelinta kaadhka aqoonsiga muwaadinka oo la gaadhsiinayo dhammaan dalka waa astaantii Qaranimo.
4. Wada-hadaladda Somaliland la furtay Soomaaliya oo muujiyay siyaasad bisayl ku jiro iyo in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dawladood oo ka wada hadlaya sidii ay ugu kala bixi lahaayeen wixii ka dhaxayn jiray.
5. Safarada dhaadheer oo Madaxweynuhu ku tegay galbeedka, bariga iyo Hawd Somaliland isagoo qof kasta oo reer Somaliland ah uu halkiisa ugu tegay soona arkay xaaladda ka jirta dalka iyo tabashooyinka muwaadiniinta.
6. Waddooyinka ay samaysay xukuumadda Somaliland ee isku xidhay dalkeenna bari iyo galbeed iyo Hawd oo ay hirgelisay xukuumaddu iyadoo waddo Ceerigaabo oo hore u ahayd go’doon, waxaanu jidkaasi sahli doonaa isku socodka goboladda dalka.
7. Waxaan ku tallinayaa in Madaxweyne Axmed Siilaanyo loo kordhiyo muddo xileedkiisa oo ha loogu darro saddex sanadood oo kale si uu dalka innoogu dhiso.
Doorashada waxaynu u igmanay oo inooga mas’uula Gudida Doorashooyinka Qaranka ha la sugo oo ha lagu kalsoonaado, haddii ay qabsoomi waydo duruufo awgood, waxaynu leenahay dastuur iyo hay’addo ay ka mid tahay Guurtida oo dastuurku awood u siinayo inay muddo xileedka goleyaasha qaranka u kordhiyaan haddii ay doorasho dhici waydo si looga baaqsado in dalku ku dhaco dawlad la’aan.
waxaan hadalkayaga kaga baxayaa xukuumaddu waxqabadkeeda halkaa ha ka sii waddo, waanu taageersanahay waanu barbartaaganahay. Waxa kale oo aan axsaabta mucaaridka ah kula tallinayaa inaanay noqonin sunne khaalif oo aanay ku tallinin wax aan dastuurkeenna ku oolin oo ay ka mid tahay dawlad ku meel-gaadh ah iyo mid wadaag ah oo mucaaridku ay sheegayeen inay samayn doonaan. Arrintaasi waa mid ceel dheer ku sii ridi doonta hamiga xisbiyadda mucaaridka ah.
Annagu beel ahaan (Subeer-celi) xukuumaddan waxaanu ka tabanaynaa in aanay na siinin saamigii aanu xaqa u lahayn, hase yeeshee arrintaas darteed ma dafiri karno in Madaxweyne Siilaanyo yahay Hoggaamiye wax-qabtay dalkuna u baahan yahay inuu u sii shaqeeyo mar kale.








