
Madaxweynaha France Francois Hollande ayaa si adag u qaadacay booqasho ay xildhibaano Faransiis ah ugu tageen Madaxweynaha Siiriya Bashaar Al Assad.
Xildhibaanadan ayaa mid kamid ah wuxuu xubin ka yahay xisbiga Mr.Hollande.
Madaxweyne Hollande ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xildhibaano dalkiisa kasoo jeeda ay booqasho ugu tagaan Kaliyii-Taliye xiligan xasuuqa ku haya shacabkiisa.
Sadex xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka France ayaa booqday magaalada Dimishiq Salaasadii lasoo dhaafay. Balse warkan ayaa soo shaac baxay Arbacadii lasoo dhaafay.








