Saddex Nin Oo Mid Ka Mid Ahi Uu Doonayay Inuu Dilo Madaxwaynaha Maraykanka Oo La Qabtay

0

6FB5CCD5-2C6C-4DC9-A644-1F86BA4F7BDB_w640_r1_cx1_cy64_cw62_s-150x150

Mareykanka ayaa lagu xidhay saddex nin oo ajnebi ah oo ku nool Brooklyn, kuwaasi oo saraakiisha FBI-du sheegeen in ay doonayeen in ay ku biiraan kooxda Daacish.
FBI-da ayaa sheegtay in labo ka mid ah raggaasi ay ku hanjabeen in ay dilayaan xubno ka tirsan booliska iyo FBI-da mareykanka halka ka sadexaadna uu ku hanjabay inuu dilayo Madaxwayne Obama haddii ay u suurtagali weydo in ay u safraan dalka Suuriya.
Raggani ayaa laga shakiyay kaddib markii bilo ka hor ay qoraal ku daabaceen bog internedka ah, iyagoo adeegsanaya luuqadda usbeegga ee lagaga hadlo dalka Uzbekistan.

Sida ay FBI-du sheegtay boggaasi ayay raggani ku daabaceen warar sheegayay in ay dilayaan madaxweynaha mareykanka Barack Obama.

Saddexdani nin oo labo ay u dhalatay Uzbekistan midna u dhashay Kazakhstan, ayaa lagu soo eedeeyay in ay isku dayayeen in ay taageero siiyaan koox argagixiso ajanabi ah.
Haddaba 3dan nin ee la qabtay ayaa ah kuwii ugu dambeeyey ee dhalinyaro ku nool dalalka reer Galbeedka oo doonaya inay ku biiraan dagaalka uu ku jiro ururka ISIS ama inay taageero kale u fidiyaan. Dhinaca kale, Amiirka dalka Qatar ayaa booqasho ku jooga dalka Maraykanka, isaga oo madaxda dalka kala hadlay xiisadda dalka Suuriya.