Aqalka Senateka ee dalka Maraykanka ayaa ka gudbay is-mari-waa aad u xoog badan oo khatar galiyey lacagta la siiyo Wasaaradda Amiga Gudaha, wasaaradaas oo mas’uul ka ah ilaalinta xuduudaha iyo garoomada dayuuradaha
Aqalka oo 100 mudane ka kooban ayaa Arbacadii shalay 98 ka mid ah ay ogolaadeen, halka 2 ka mid ahina ay diideen.
Xubnahan ayaa u codeeyey waxa loogu yeedhay qeynuunka maalgalinta nadiifta ah ee Wasaaraddan, lacagtaas oo aan waxyaabo kale lagu xidheynin.
Aqalka Hoose ayaa hore u meelmariyey qeynuunkan toddobaadyo ka hor. Hase yeeshee, waxa qeynuunka la socday faqrad diidaysa in la maalgaliyo awoodaha madaxweyne Obama uu ku doonayo in la joojiyo mastaafurinta ilaa 4 milyan oo qof oo Maraykanka sharci darro ku jooga.