Dawlada Somaliland oo xadka Jabuuti ka celisay dad Jabouti ka yimid

0

IMG_F39396-0B282E-8606E2-086E42-1472A7-A0E027-310x214

Lawyacado (AN) Xukuumadda Somaliland ayaa shalay fiidkii dib ugu celisay xuduudka dhinaca Jabuuti dad ka soo talaabay dhinaca Xadka,

kuwaas oo ay Dawladda Jabuuti soo daysay, kadib markii ay sadex cisho ku cadilaayeen xadkooda.

Lama oga sababta xukuumadda Somaliland u celisay Dadkaasi, hase yeeshee wararka aanu ka helayno dhaqdhaqaaqii ugu danbeeyey ee xadka ayaa sheegaya in Amarka dadkaas lagu celiyey ay bixisay Xukuumadda Somaliland.

Weftigii Somaliland ee ka koobnaa wasiiradda ayaa la sheegay inay dib uga soo laabteen Lawyacado, hase yeeshee waxa la filayaa inay Xukuumadda Somaliland u dirto dalkaasi wefti culus oo ay hogaamin doonaan Wasiirka Arrimaha gudaha iyo wasiiro kale.

Weftiga Somaliland ee tagi doona Dalka Jabuuti ayaa la filayaa inay la tagana Garnaqsi ka balaadhan inta la arkayo, maadaama Somaliland u muujisay debacsanaan balaadhan oo dhinac kasta ah, hase yeesee ay soo noq noqotay talaabada Jabuuti ay markasta ku xidhayso Xadkeedu