Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay kulankii dalalka ku midoobay jaaliyadda dalalka Bariga Afrika dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan ayaa wakhti badan sugi doona si ay ugu biiraan ururka ganacsi ee dalalkani ay ku bahoobeen.
Waxaa lagu yidhi war saxaafadeedka in marka ugu horeysa ee labada dal ay ku biiri karaan bahda dalalka Bariga Afrika uu yahay sanadka soo socda ka dib markii uu soo dhamaaday kulankii madaxda bahda dalalka Bariga ee ku soo gabagabooday magaalada Nairobi maalinimadii Jimcaha.
Isku daygii dawladda Koonfurta dalka Suudaan ay ku dooneysay in ay ku biirtay badha Bariga qaaradda Afrika ayaa waxaa soo wajahay caqabado farabadan oo ka unkamay dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka qarxay sanadkii la soo dhaafay kaas oo weli raadadkiisi ay dalkaasi ka taaganyihiin.
Tan oo ka dhalatay muran dhexmaray madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit iyo madaxweyne ku xigeenkiisii uu eryay Riek Machar ayaa ugu danbeyntii sababtay qalalaaso siyaasadeed oo dalkaasi ka hor istaagay waxyaabo badan oo laga sugayey in uu hore ugu dhaqaaqo.
Xoghayaha Guud ee bahda dalaka Bariga Afrika (EAC) Richard Sezibera ayaa sheegay in aqbaaladda dalka Soomaliya ee ku aadan in ay ku biirto bahdan weli laga fakarayo. Waxa uu sheegay in weli farsamo ahaan arimaha qaar aaney weli ka soo dhamaan dawladda dalka Soomaaliya.