Ciidanka booliiska oo kaashanaya kuwa millateriga ayaa shalay xoog ku furay waddooyin ka tirsan kuwa magaalada Laascaanood oo ay dhagaxaan ku jareen dhallinyaro rabshado ka sameeyay Magaaladaasi.
Rabshadahan ayaa billowday duhurnimadii shalay, ka dib markii ay magaalada soo galeen warar ku-tiri-ku-teen ah oo ahaa in wiil dhallinyaro ah oo laba maalmood la waayay la dilay
Sidoo kale, rabshadahan ayaa sababay inuu xidhmo isku socodka waddooyinka magaalada Laascaanood, ka hor intii ayna dib u soo celin ciidamadu deggenaashaha magaalada, sida ay sheegeen dad goob-joogaal ahaa oo warbaahinta la hadlay.
Ma jirto cid soo abaabushay dibadbaxa rabshadaha watay sida ay sheegeen dad goobjooga-yaal ah, waxaase ay degtay rabshadu markii goor-dambe laga helay wiilkii ay rabshadu awgiis u dhaceen oo bad-qaba duleedka tuulada Guumeys oo 75-km dhinaca galbeed kaga beegan degmada Laascaanood.
Weli ma cadda sababta keentay in wiilkaan oo lagu magacaabo Mukhtaar Faarax Caarshe (Astaan) oo la la’aa muddo laba maalmood ah inuu lumo, waxaase qaar qaraabadiisa ka mid ah ay sheegeen inuu safar ugu maqnaa Magaalada Hargeysa, hasa-yeeshee wakhtigii ay ahayd inuu tago Laascaanood la waayay inkasta oo shalay la helay