Maxakamadda Sare Ee Kenya Oo Laashay Qaybo Ka Mid Ah Xeerka Argagixisada + Jarmalka Oo La Dagaalanka Kooxaha Xagjirka Ah Ka Taageeraya Kenyaa

0

859deed03158388a0d2757c49a873336_L

Nairobi(AN)Maxakamadda Sare ee Kenya, ayaa Isniintii Laashay Qaybo ka mid ah Xeerka Argagixisada oo Xukumadda Kenya dabada ka riixaysay. Qaybaha Maxakamaddu joojisay ayaa ku xadgudbayay Xorriiyadda Saxaafadda iyo Xorriyatul qawlka.

Maxakamadda ayaa qayb Sharciga ka mid ah hore u joojisay bishii January, balse waxay maanta joojisay qaybo xaddidaya ama Saxaafadda u diidaya inay ka waranto arrimaha baadhista lagu hayo ama Hawl galada Amaanka ee Ciidamada dawladdu wadaan.

Dawladda Kenya ayaa ku doodaysa in Sharcigan loo adeegsanayo Argagixisada, loona baahan yahay in talaabooyin la qaado si looga hor tago Mawjado weeraro ah oo kaga imanayo Ururka Alshabaab ee ka dagaalama wadanka deriska la ah ee Somalia.

Haseyeeshee, Maxakamadda ayaa ganafka ku dhufatay Qaybo sharcigan ka mid ah oo xaddidaya Xorriyadda hadalka iyo baahinta wararka ee saxaafadda, sidoo kalena ku xad gudbaya Dastuurka Kenya.

Dhanka kale Dowladda Jarmalka ayaa ballan-qaaday inay Kenya ka caawinayso qaabkii ay kula dagaallami lahayd kooxaha  argagixisada. Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka Walter-Frank Steinmeier, oo kulan Axadii shalay kula yeeshay Nairobi dhigiisa Kenya Aamina Maxamed ayaa sheegay inay Kenya ka caawin doonaan ka hortaga Argagixisada.

Wasiirka khaarajiga Jarmalka ayaa rajo fiican ka muujiyay in Tababaro Jarmalku siin doono Booliska Kenya ay wax weyn ka bedeli doonto xaaladda amni ee Wadanka Kenya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Aamina Maxamed ayaa iyana ka hadashay taageerada Jarmalka “Colaadaha ka jirto wadamada Soomaaliya iyo koonfurta Sudan, ayaa culeys weyn nogu ah gobal ahaan. Marka taas la eego, ayaa dowlada Jarmalku waxey ku dadaaleysaa iney naga caawiso tababarka ciidamada booliska iyo Sirdoonka”. Ayay sheegtay Wasiir Aamina.

Dawladda Kenya waxaa soo wajahay Amni darro baahsan kadib markii sanadkii 2011-kii Ciidamadeeda u dirtay Somalia. Ururka Al-shabaab ayaa arrintaasi diiday islamarkaana weeraro badan oo xooggan ka fuliyay gudaha Kenya