XAFLADII FURITAANKA XISBIGA WADDANI EE DALKA AUSTRIA IYO SOO GUDBIN L .AANTA MAWQIFKIISA SIYAASADEED EE KU OODAN DOORASHADA SOMALILAND

0
images
XAFLADII FURITAANKA XISBIGA WADDANI EE DALKA AUSTRIA – XISBIGA WADDANI OO NOQDAY XISBIGII UGU HOREEYEEY EE LAAN KA FURTA WADDANKA AUSTRIA.
Vienna- Boqolaal Kamida Taageerayaasha Xisbiga Wadani Ee Wadanka Austria Ayaa Habeenkii Xalay Ahaa Soo Buux Dhaafiyay Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Daahfurayay Xisbiga Wadani Laantiisa Wadanka Austria. Munaasibadaasi Oo ahayd mid Si heerSare ah Loosoo Agaasimay Oo Xalay Ka Dhacdey Magaalo Maddaxda Wadanka Austria Ee Vienna Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Ugu Sarsareysa Ee Qaarada Europe Sida Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Qaarada Europe Mudane Axmed Cali Naahi Iyo Kuxigeenkiisa Cabdale Saleebaan Dafle, Cuqaal, Waxgarad, Haween iyo Dhalinyaro.
   
Ugu Horaynba Waxaa Munaasibadaasi Hadal Kooban kasoo Jeediyay Mudane Daahir Yaxye Cali oo ku hadlayey afka Gudida Qabanqaabada Munaasibadaasi Isagoo Ku Dheeraadey Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Ay Soo Martay Qaban Qaabada Munaasibadaasi. Kadib Waxa Isaguna Munaasibadaasi Hadal kooban Kasoo Jeediyey Gudoomiyaha xisbiga Wadani Laantiisa Wadanka Austria Mudane C/raxmaan Ibraahim Xasan Isaga Oo Madashaasi Kaga Dhawaaqay Xubnaha   Kala Qayb Qaadan Doona Maamulka Xisbiga Wadani Laantiisa Wadanka Austaria Sidoo Kale Gudoomiyuhu Wuxu Sheegay Inay Soo Dhawaynayaan Masuuliyiinta Miisaanka Culus Ee Safarka Dheer Usoo Galay Inay Daahfuraan Xisbiga Wadani Laantiisa Wadanka Austria Waxaanu Xusay Gudoomiyuhu Inay Soo Dhawaynayaan  Taageerayaana Hadalkii Laba Cisho Uun Kahor Kasoo Yeedhay Gudoomiyaha Guud Ee Xisbiga Wadani Mudane C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Isagoo xukuumadda talada haysa ka codsaday inay ku dhiirradaan in Doorashadu waqtigeedii ku qabsoonto.

Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Xisbiga Wadani Laantiisa Wadanka Austria Marwo Caasha Cabdi Cismaan Iyo Gudoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Xisbiga Wadani Laantiisa Austria Mudane Xaaji Faarax Cabdi Muuse  iyo xubno kale ayaa iayguna Madashaasi Hadalo Kasoo Jeediyay iyagoo Si isku Mid ah U Taageeray Xisbiga Wadani Waxaanay Soo 
Dhaweeyeen Xilalka Cusub Ee Loo Magacaabay.
Geba-gebadii Munaasibadaasina Waxa Hadalka qaatay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Qaarada Europe Mudane Axmed Cali Naahi Iyo Kuxigeenkiisa Cabdale Saleebaan Dafle Iyaga Oo aad uga mahad cliyey sida diirran ee loogusoo dhoweeyey waddanka Austria Casimaddiisa Vienna Sheegayna inay  Ansixiyeen Xisbiga Wadani Laantiisa Wadanka Austria Madashanna Ay Ugasoo Qayb Galeen Sidii Ay U Daahfuri Lahaayeen Laantani Cusub Ee Uu Xisbigu Ku Yeelan Doono Wadanka Austria iyagoo u rajeeyey inay xilka loo magacaabay  ilaahay ufududeeyo , Sidoo Kalena Waxa Ay Amaan Faro Badan Usoo Jeediyeen Cid Kasta Oo Ka Qayb Qaadatay Qabsoomida Munaasibadani quruxda badan, Waxaanay Ugu Dambayntii Labadooduba Si Weyn Utaageereen Hadalkii Laba Cisho Uun Kahor Kasoo Yeedhay Gudoomiyaha Guud Ee Xisbiga Wadani Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) Ee Uu Kaga Hadlayay Qabsoomida Doorashooyinka La Filayo Inay Dalka Ka Qabsoomaan Sanadkan Gudihiisa.
Ugu dambayntii waxaa xafladaas soo afmeeray Guddoomiyaha martida loo Ahaa ee Waddanka Austria  Isagoo Mahadnaq Balaadhan usoo Jeediyey Madaxdii Kala Soo Qayb Gashay Ee Qaaradda Yurub,Qabanqaabiyayaashii Xafladda Iyo Dhamaan Taageerayaasha Xisbga Waddani isagoo ka codsaday inay ku taageeraan maskaxdooda,maalkooda iyo muruqoodaba sidii looga midho dhalin lahaa isbedel ka taaba gala guud ahaanba Dalka Soomaaliland.

 
ALAA MAHAD LEH