Ruushka oo cabsi uu ka qabo NATO darteed rakibay raadaarrada nooca Nebo-M oo ka hortaga ogaada gantaalaha isaga oo Ruushku ka jawaabaya halis ay suurtagal tahay in ay ka soo wajahdo NATO oo bariga Yurub ku rakibtay gantaalaha difaaca iyo sidoo kale raadaarro noocyada ogaada gantaalaha isaga gudba qaaradaha.
Raadaaradan cusub waxay sahlayaan in ay soo ogaadaan hadii ay jiraan gantaallo ku rakiban xuduudaha u dhow Ruushka,sidoo kale waxay u awood u leeyihiin madaxyada ka hortaga gantaalaha ee NATO ku rakibtay qaybo ka mid ah dalalka Bariga Yurub.
Rakibidda raadaaradan aya waxay guul u tahay Ruushka, maadaama Maraykanku uu hore madaxyada gantaalaha ka hortaga uu u dhigay Turkiga,Romania, Poland iyo Spain.









