Imaamka Jaamacadda Azhar Ee Dalka Masar Oo Ka Hadlay Sida Lagu Yarayn Karo Xagjirnimada

0

shaikh-ahmed-al-tayyip-al-azhar-university

Sheikh wayn oo sunni ah oo aad loogu xushmeeyo dhinaca waxbarashada diinta Islaamka, ayaa ku baaqay in isbadal lagu sameeyo waxbarashada diinta Islaamka si looga hortago xaqjirnimada dalalka muslimka.

 Sheikh Axmed al Tayip oo ah imaamka ugu wayn jaamacada Al Azhar ee Masar, ayaa ka sheegay shir lagaga hadlayo argagixisada oo ka socda magaalada Mecca ee Sacuudiga, in si qalad ah oo loo micneeyay quraanka iyo nolosha Nabi Maxamed NNKH ay dadka ku dhiirigalisay micno Islaam oo aan dulqaad lahayn.

Wuxuu ku baaqay in iskuulaadka iyo jaamacadaha ay dhiirigaliyaan mudnaanta muslinka, ayna cambaareeyaan kooxaha argagixisada ee sida xun u dhaqma.