
Ciidamada dalka Yukreyn iyo xoogaga gooni-goosatada ah ee taageersan Ruushka ayaa is dhaafsadey maxaabiis, taas oo ka mid ahayd heshiiskii Minsk. Gooni-goosatada bariga Yukreyn ayaa sii daayey 139 askeri oo ka tirsanaa ciidanka Yukreyn.
Kala bedalashada maxaabiista ayaa dhacdey habeenkii xalay iyo maanta oo Axad ah, waxaana ay ka dhacdey tuulo 20km u jirta magaalada Luhansk, oo gacanta ugu jirta gooni goosatada Ruushanka taageersan.
Xoogaga gooni-goosatada ayaa 139 askeri oo ka tirsan ciidamada Yukreyn ku bedeshey 52 iyaga laga qabsadey, waxaana ay ku soo beegmeysa sanad kadib markii xilka laga tuurey madaxweynihii hore ee la soo doortey Viktor Yanukovych, taas oo horseedey in dalka Yukreyn labo u qaybsamo.
Heshiiska xabbad joojinta ee todobaadkii hore lagu qabtey magaalada Minsk ee dalka Belarus ayaa dhigaayey in la sii daayo dhamaan maxaabiista la kala haysto. Sidoo kale waxaa heshiiska ka mid ah in hubka culus ee Artileriga laga fogeyo goobaha lagu dagaalamey dibna loogu celiyo xeryihiisa, goobjoogayaasha caalamoga ah ee ka socda hay’adda OSCE ayaa sheegaya in aysan arag wax calaamad ah oo muujinaya in hubkii cudla dib loo dhaqaajiyey.








