JAMAAL CALI XUSEEN OO UJAWAABAY WASIIR WARAN-CADE”FALAADHI GILGILASHO KAAGAMA GODO”

0

jamaal-cali-xuseen-oo-ujawaabay-wasiir-waran-cadefalaadhi-gilgilasho-kaagama-godo

Hargeysa (AN) Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen ayaa u jawaabay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade.

Qoraal dheer oo uu soo gaadhsiiyay Salaanmedia ayaa waxa uu ku sheegay in beesha caalamka ee Somaliland ka taageerta dhinaca doorashooyinka aanay waxba ku baaqi ahayn, hasayeeshee xukuumadda kulmiye ay isu diyaarinayso sidii ay u minjo xaabin lahayd dimuqraadiyada isla markaana muddo kordhsi ay ku foogan tahay. Qoraalkaas oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sidanWaxaan caawa warka HCTV ka daawanaayey wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland, mudane Cali Maxamed Warancade oo ka hadlaayey arrimaha doorashooyinka. Caawa aad

waxaan ula yaabay in wasiirkii Arrimaha Gudahu uu kolba darjiidhayo oo uu caawana faraha la galay arrimaha doorashooyinka oo ay ahayd in Guddida
Doorashooyinka Qaranku ay ka hadasho; goormuu Wasiirku noqday afhayeenka Guddida Doorashooyinka Qaranka? mida kale marna xisbigga taladda
haya ee Kulmiye na odhan maayo u daaya arrimaha doorashooyinka guddida doorashooyinka sida uu yidhi Gudoomiyahoodda Muuse Biixi; marna arki
mayno wasiiro kala hadlaya oo qaar leeyahiin madaxweynaha ayaa loo kordhinayaa; iyo qaar yidhaahda lacagtii may bixinin deeq bixiyayaashu. Weligay maan arag xukuumad ka nidaam xun oo nin walba halkuu doono u ridaayo. Wasiir Warancadde waxa uu hore u balanqaaday in diiwaan gelintii uu ku carqaladeeyey doorashadda ee Madaniga in ay dhamaanayso bishii December ee kal hore 2014 kii, haddaba meeday Diiwaan gelintaa Madaniga ahi? sowtaa fashilantay sida laga wadda dharagsan yahay ee aan kardhadhkii la wada gaadhsiin Hargeysa iyo goboladda intooda kaleba. Maanta inuu diiwaan gelinta codbixiyayaasha kaba hadlaa Wasiirka Arrimaha Gudahu may ahayn ee inuu ka hadlo bal halka ay wax marinayaan tii Madaniga ahayd ayeey ahayd ee weliba uu isagu madaxa ku sitay.

Lacagta deeq bixiyayaasha waa la hubaa toodda oo gudidda doorashooyinka qaranka ayeey u taallaa ee uma taallo inuu wasiirku ka hadlo arrimaha doorashooyina, Sidoo kale wasiirku waa inuu shaqadiisa iyo kuwa dadka kale ee dawladda kala ogaado ayeey tahay, tusaalle ahaan arriimihii Markabkii hubka siday waxay ahayd inuu u dhaafo wasiirka Difaaca ayeey ahayd, go’aankii degdega ahaa ee ay qaateena mid ceeb ku ah Somaliland ayuu noqday oo waxyaabo aan jirin shacabka ku manjaro habaabiyey, arrimihii wadooyinkii Hargeysa ee uu subax qudha uun yidhi waan kala badalay oo qaar baa si uun loo maryaa (one way), taasi shaqadiisa may ahayn ee golaha deegaanka Hargeysa iyo Mayorka ayaa iska leh hawshaasi. Haddaba nidaamka dawladeed waa inaynu ixtiraamnaa.

 

Wasiir Warancadde wuxuu ka sii afeef dhiganaayey doorashadda 26ka Juun oo uu fashilaadeedda rabay inuu kula gal-gasho cid kale. Walee Falaadhi gigilasho kaagama go’do.
Masuuliyadda inay doorashaddu xilligeedii ku qabsoomi waydo dawladda ayaa iska leh iyadaana dalka ka masuul ah; hadalkii madaxweynaha ee inay wakhtigoodii ku qabsoomaana wuxuu u muuqdaa mid beenoobi doona. Waxba yaanu kolba Wasiir hadal aan meelna haysan dadka kula dul kufin. Deeq bixiyayaasha lacagta doorashadda ee ay bixinayaan weligood shaki may gelin; laakiin waxaanu ognahay inaanay xataa dawladdu shubin inteeddii; hawlaha doorashooyinkuna u yaallaan Guddidaa Doorashooyinka qaranka oo xisbiyadda qarankuna ku kalsoon yihiin; ayna ogolaan doonin wixii carqaladaynaya doorashooyinka ee fadlan ha loo daayo Guddida doorashooyinka qaranka. Dawladduna ha ka dhabayso hadalkeeda oo ha tusto ummadda inay rabto doorasho oo aanay curyaamin hanaankii dimuqraadiyadeed ee uu dalku soo maray ee ay horseedka ka ahayd xukuumaddii UDUB ee iyagoo Kulmiye ahna ay ku yimaadeen kursiga ay maanta ummadda ugu fadhiyaan.