Qaar ka mid waxgaradka iyo waayeelka deegaanka Qorulugud ee Gobolka Buuhoodle oo uu hor kacayay Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale Ayaa shir jaraaid oo ay ku qabteen Hotelka Xaraf ee Magaalada Hargaysa Waxaa ay Uga Hadleen Xaalada Deegaanka Qorulugud,Nabadaynta Beelaha Buuhoodle Iyo Qorulugud Iyo Weliba Taageero ay U Muujiyeen wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleeban Ciise Xaglotoosiye
Waxgaradkan ayaa Ka hadlay Inay Muhiim Tahay sidii nabad waarta loo dhex dhigi lahaa beelahaasi iyagoo sheegay in ay lagama maarmaan tahay sidii loo wakiilan lahaa dadka deegaanka Metela Si Ay hawshaasi Guul wax ku ool Ah uga gaadhaan
Sidoo kale waxaa ay ka dhawaajiyeen inaan loo baahnayn cid aan deegaanka metelin inay Faraha la gasho Hawl anay waxba ka qaban karin cidina aanay u dirsan iyagoo cararabaabay xubno saladiin ah oo Aan la garanayn cid dirsatay waa siday Hadalka u dhigeene
Waxaa ay Farta ku fiiqeen in gebi ahaanab la dhinac maray cidii Nabada Ka wada Hadli lahayd Dhankooda Qorulugud Balse ay Hada arkaana Deegaanka Buuhoodle oo Nabada u Diyaar Ah iyagoo ka codsaday inay deegaanka buuhoodle Sugaan inta ay Cid so dirsanayaan iyagoo intaasi ku daray in ay jiraan Goglo nabadeed oo hore loo dhigay deegaamo hore kuwaasi oo aan biyo dhalin wax natiijo ahina aanay kasoo bixin
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Xariir Siciid Bulaale oo ka mid ah xildhibaanada beesha qorulugud Ugu Jira Golaha wakiilada Somaliland Waxaana Uu Yidhi ” Aniga oo ah xariiri siciid bulaale kana tirsan xildhibaanada gollaha wakiilada jamhuuriyada somaliland kans soo jeeda gobolada buuhoodle iyo qorilugud ee somaliland
Waxan maanta ka hadlaayaa aniga iyo qaar ka mid ah wax garadka deegaanka
Xxaalada nabaded ee deegamadaas aynu soo sheegnay iyo sida ugu haboon ee nabad loo dhex dhigi karo deegaanadaas
Waxan halakan ku cadaynayaa qobdobadan hoos ku qoran
1. waxan ugu horayn baaq nabdeed u dirayaa labad beelood ee walaalaha ah ee qorilugud iyo buuhoodle anogoo cadaynayna in beesha aanu kasoo jeednaa diyaar u tahay nabad waarta oo dhex dhamarta
2. in dadka nabadaynta gacanta kula jiraa aanay ahayn kuwo kalsooni ka hysata beesha aan xildhibaanka u ahay oo ah daraf ka mida labada dhinac ee shaqaaqadu ku dhex martay qori lugud iyo buuhoodle Anigoo ku hadlaya magaca beesha kasoo jeedo waxan uga digayaa dadkaas inay faraha kala baxaan nabadayntaas oo aan u aragno inaan loo marin dariiqii saxda ahaa isla markaana ay beeshu waxba kala socon waxa halkaasi laga wado oo ay wadaan dad aanay beeshu waxba u diran oo ay kamid yihiin labada suldaan ee kala ah Suldaan guuleed maxamed mire iyo suldaan maxamuud xaaji xuseen iyo dadka xulafada la ah kuwaas oo aan midkoodna suldaan u ahayn beesha ay sheegtaan cid dirsatayna aanay jirin
3. waxaanu in badan sugaynay oo aanu fadhinay inaanu helnno cidii metelaysay reer buuhoodle ee ay taladu ka go’aysay oo ah madax dhaqameedka nabada u xidhi lahaa dhinacooda buuhoodle waxaanuna aragnaa inay hada yimaadeeen ragii u qalmayey inay nabad reer buuhoodle u xidhaan hase yeeshee xagayaga ma aragno cid haysata mandateka oo meesha maraysa cidii kalsoonida beeesha haysatayna waa la dhinac maray anogoo cuqaasha iyo wax garadka beesha buuhoodle ugu baaqayna inay sugaaan intay helayaan dhigoodii meteli lahaa xagayaga
4.Waxaan halkan ku cadaynayaa cida keliya ee beeshan meteli kartaa inay tahay Cuqaasha deegaanka Iyo Suldaanka guud ee beelaha Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali kaasi oo ah suldaanka gaarka ah ee beesha meteli kara
5.Waxaanu sidoo kale si buuxda u taageeraynaa Wasiirka Cafimaadka somaliland Saleban Xaglotoosiye oo aanu u aragno inuu daacad ka yahay nabadaynta iyo isu soo dhoweynta Beelaha walaalaha ah ee Qorulugud Iyo Buuhoodle kaasi oo aanu u aragno inuu ka gungaadhi karo Nabadaynta deegaamadaasi hadii la siiyo waqti ku haboon farahana looga qaado
6.Ugu danbayntii waxaanu ugu baaqaynaa Xukuumada somaliland kana codsanaynaa inay Nabadaynta deegaamadaasi u xilsaarto cida haysata kalsoonida beesha deegaanka qorilugud kuwaasi oo Ah cuqaasha deegaanka iyo suldaan Cabdilahi Suldaan Cali oo in Badan la Gees Maray