“Somaliland Waxaa Lagu Yaqaanay Doorasho Dimuquraadi Ah Oo Si Nabad Ah Awooddana La Isku Wareejiyo, Waxaan Rajaynayaa Inaan Dhaqankaasi Dhamaan Oo Uu Socdo” Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar

0

b94b469319e20f154e56552205fd315f_S

Hargeysa(AN)Wasiirkii Arrimaha dibadda iyo Ganacsiga ee Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, Maxamed Cabdillaahi Cumar, Haatana ah Sarkaal xalinta khilaafaadka u qaabilsan Geeska Africa Midawga Afrika iyo Midawga Yurub, ayaa sheegay inay habboon tahay in doorashooyinka Somaliland lagu qabto wakhtigooda dastuuriga ah. Waxa uu sheegay in dooda Qabashada doorashadu tahay mid taageerayaasha caalamka ee Somaliland iyo Bulshada guduhuba si weyn u hadal hayso.

“Doorashooyinku waa arrimo aad u waaweyn.Imika dooda dadka Somaliland la shaqeeya ama Reer Galbeed ha noqdaan ama Hay’addaha Caalamiga ah ha noqdaane, inta badan waxay doodu dul saaran tahay Arrimaha doorashooyinka, Waayo? Waa arrimo Somaliland hadda Kaabiga ku soo haya oo wakhtigoodii taagan yahay. Markaa dooda Caalamka ee Somaliland ku saabsan waxay u badan tahay doorashooyinka, Doorashooyinka Somaliland diyaar garowgoodu tolow siduu u socdaa? Wakhtigii loogu talo galay ma ku dhacayaan?, haddii ay dhici waayaan Somaliland siday uga tashanaysaa oo ay doonaysaa in dawladdaha caalamkuna gacan uga siiyaan, waa arrimo taagan hadda oo siyaasi ah, markaad eegto Gudaha Somaliland-na arrimahaasi way socdaan, dibaddana way ka socotaa sida Hay’addaha iyo dawladdaha Somaliland la shaqeeya” ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Cumar oo HCTV u waramay.

Waxa uu intaasi raaciyay Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar “Somaliland waxaa lagu yaqaanay in Doorashooyin Dimuqraadi ahi ka dhacaan, inay waliba u dhacaan si nabad galyo ah. Waxa kale oo Somaliland lagu yaqaanay in Marka doorashooyinku dhamaadaana si wanaagsan oo nabad galyo ah awoodda loogula kala wareego. Markaa waxaan rajaynayaa inaan dhaqankaasi dhamaanin oo uu socdo”

Doorashooyinka Somaliland oo muddo ku siman 4 bilood ka hadhsan tahay ayaa murankooda durba laga dareemayaa Mucaaradka iyo Xukumadda, kuwaasi oo ku kala aragti duwan dib u dhaca doorashada. Mucaaradka ayaa ku doodaya in dawlad wadaag ahi dalka ka taliso wixii 26 June ka dambeeya haddii doorasho dhici waydo, halka Xukumaddu ku doodayso in dastuurka la raaco.