Dawladda Ingiriiska Oo Soomaaliya U Ballan-qaadey Taageero Milletari Iyo Mid Dhaqaale Oo Dheeraad Ah

0

Cameron_2212748b

Raysal-wasaaraha boqortooyada Ingiriiska David Cameron ayaa qoraal uu u diray Madaxwaynaha Soomaaliya ku caddeeyay taageerada Uk la garab taagan tahay dawladdiisa.

Qoraalka uu David Cameron u diray Xasan Sheekh oo uu gaadhsiiyey Danjiraha UK u fadhiya Soomaaliya Neil Wigan, ayaa lagu xusay in Britain ay weli ka go’an tahay in Soomaaliya gacan laga siiyo xaqiijiinta Hiigsiga 2016.

“Mudane Madaxweyne kulankii aan ku yeelaney New York markii uu socdey shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waxaan kuu xaqiijiyey inay naga go’an tahay xaqiijinta Hiigsiga 2016, waxaana haatan kuu caddeynayaa in weli ay taasi naga go’an tahay, isla markaana aan qirayo in wax badan la qabtey tan iyo bishii September 2012.’’ ayuu warqaddiisa ku xusey Ra’iisl Wasaare Cameron.

 

Ra’iisl Wasaaraha Britain ayaa sheegay in walow guulahaasi la gaadhey, haddana ay jiraan qodobo muhiim ah oo la doonayo inay Soomaaliya xoogga saarto si loo xaqiijiyo fulinta Hiigsiga 2016-ka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, doorashooyinka, la dagaalaanka musuqmaasuqa, amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Dhanka siyaasadda, ayaa Ra’iisal Wasaare Cameron waxaa uu xusay muhimadda wadashaqeynta madaxda Soomaalida, isagoo dhanka kalena ku amaaney Dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka ay ka sameysey dhismaha maamullada gobollada, balse loo baahan yahay in la sameeyo wadaxaajood wax ku ool ah oo la isla meel dhigo qaabka awoodaha iyo qeybsiga kheyraadka.

Waxaa kale oo uu Ra’iisl Wasaarha Britain ka codsadey dowladda Soomaaliya inay qaaddo talaabooyin loogu diyaargaroobayo doorashooyin waddanka ka dhaca oo dimoqraadiyadeed sannadka 2016-ka “’Waxaan ku faraxsanahay Madaxweyne in sannadkan aad ku dhawaaqdey inuu yahay sannadkii la dagaalanka musuqmaasuqa, waana tallaabo aan soo dhoweynayo. Waa in aad dhaqangelisaan qaab isla xisaabtan dhanka maaliyadda ah oo hufan, waayo tani waxay idin ka saacideysaa hagaajinta amniga, xasiloonida dalka iyo dhismaha bulsho horumarsan, waxayna dhanka kale kalsooni siineysaa deeq-bixiyeyaasha iyo shirkadaha doonaya inay Soomaaliya maalgashadaan.’’

Waxaa Ra’iisal Wasaaraha Britain uu sidoo kale dhambaalkiisa qoraalka ah ee uu u soo direy Madaxweynaha Soomaaliya uu kaga hadley muhimadda dardargelinta in la isku dhafo ciidammada gobollada kala duwan ee dalka, isla markaana ay Britain diyaar u tahay haddii hawshaasi la hirgeliyo inay taageero maaliyadeed ku kabto ciidankaasi, sidii ay horey ugu balanqaaddey shirkii ka dhacay London.

Dhanka gargaarka aadami ee loo fidiyo Soomaaliya, ayaa Ra’iisal Wasaare Cameron waxaa uu sheegay in Britain ay 25% ku kordhisey sannadkii hore kaalmada ay siiso Soomaaliya, isla markaana UK ay sii wadi doonto inay horseed ka noqoto isku dubbaridka kaalmada caalamiga ee Soomaaliya loo fidiyo.

Dhambaalka Ra’iisal Wasararaha Britain, ayaa sidoo kale lagu xusey xoojinta iskaashiga labada dal ee la dagaalanka argagixisada, iyo in Britain sii wadi doonto xidhiidhka ay la leedahay madaxda Soomaalida si ay u guuleystaan dadaalada dib u dhiska Soomaaliya iyo hirgelinta Hiigsiga 2016-ka.