Xukuumadda Iyo Xisbigeeda KULMIYE Oo Soo Bandhigtey Fulinta Qodobbadii Kaga Aadanaa Qabsoomidda Doorashada, Guddoomiye Cirro-na Ku Eedeeyay Qabyo-tir La’aanta Xeerarkii Laga Sugayey

0

gole-e11

Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray shalay ku caddeeyay Mowqifkiisa ku aadan qabsoomidda doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo sanadkan badhtankiisa.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka qayb-galay shirka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay Mowqifka xisbiga KULMIYE ka taagan yahay doorashooyinka soo aadan ee Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, kuwaasi oo la filayo inay sanadka dhexdiisa qabsoomaan, hasa-yeeshee xisbiyada Mucaaradka ahi walaac ka muujinayaan inay xilligooda ka qabsoomaan.

Guddoomiyaha KULMIYE oo khudbaddii uu ka jeediyay shirka Golaha Wasiirrada lagu soo ururiyey War-saxaafadeed uu ku muujinayo isla-markaana ummadda ugu soo bandhigayo mowqifka KULMIYE, ayaa sheegay in xukuumaddu hore u fulisay dhammaan hawlihii kaga aadanaa ama suurtogalinayey in doorashadu xilligeeda ku qabsoonto, hasa-yeeshee Baarlamaanka oo uu hoggaamiyo Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ay ku baaqdeen shuruuc muhiim u ahaa qabsoomidda doorashooyinka, sida ta Baarlamaanka.

War-saxaafadeedka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa u dhignaa sidan “Mudane Madaxweyne, Waxa inoo farxada inaan maanta (Shalay) halkan ku kulanno oo cid walba u caddayno mowqifka xisbigeenna ee doorashooyinka.

Dimuqraadiyashu waji gaar ah ayay u leedahay dal kasta iyo dadkiisa, sababtoo ah waxay ka soo dhex baxdaa habka dhaqan-dhaaqale, diimeed, taariikheed iyo is-dhexgalka bulsho ee ummad waliba leedahay.

Kulmiye wuxuu ku dadaalayaa in uu ku dhaqmo tiirarka dimoqraadiyadda ee faa’iidada inno leh.

Laba ka mid tiirarkaasi waa

  1. In Golayaasha Qaranka iyo D\Hoose ku yimaaddaan xafiiska doorasho xor ah, isla markaana u hoggaansanaadaan rabitaanka codbixiyaasha

  2. In la helo doorashooyin hufan oo ku qabsooma wakhtigoodii

  3. Haddaba xisbiga iyo xukuumaddu gaar ahaan madaxweynuhu isaga oo arrimaha ka duulaya waxa wakhtigoodii ku fuliyey hawlihii kaga aadanaa doorashooyinka, kuwaasi oo ahaa saddex qodob

  4. Dhammaystir sharci

  5. Magacabidda GDQ (Guddida Doorashooyinka Qaranka)

  6. Dhaqaale

Intaa waxa dheer in Madaxweynuhu u qoray daneeyayaasha doorashooyinka warqad uu ku muujinayo u diyaargalowga doorashooyinka( letter of commitment) 17.11.2013

Waxaa hubaal ah in Madaxwayanaha ka gudbeen qodobbadaasi wakhtigoodii, waxaana la ogyahay in ay ku xannibmeen xafiiska Guddoomiyaha Wakiilada oo isagu qayb wayn ku lahaa fulinta.

Mawqifka Kulmiye

In Komishanku leeyahay awoodda wakhtiga doorashada la qabanayo

In Kulmiye uu diyaar u yahay doorashada, galaayana marka komishanku iclaamiyo

Haddii doorashadu dib u dhacdo xisbiyada qaranka laba arrimood oo keli ah ayaa la gudboon, maxaa innaga khaldamay? Iyo sidee ugu fiican ee doorashadda u qabsannaa labadaana waxaa loo raacaayaa sharciga, Midna waa biyo kama dhibcaan ee ha la ogaado, cid kasta oo dood qabta waa in ayna ka bixin xaynaabka sharci.

Haddii doorashadu wakhtigeedu ku qabsoomi waydo howlaha qaranku waxay u soconayaan sidoodii, iyada oo la raacayo sharciga dalka u deggen.

Xasbiga kulmiye caad kama saarna in fikradaha iska hor imanaya iyo baanisuhu yihiin dabeecaddaha hannaanka xisbiyada badan, hase ahaatee waxaa iyana ka mid ah dhaqanka dimoqraadiyadda in isu caqli celin iyo is-qancin lagu gaadho talo la isla qaato.

Waa taa bisaylka siyaasadeed ee danta guud ku jirtaa, waa aragtida kulmiye ka duulayo ee ku maaraynaayo hawlaha qaranka naf iyo maalba loo soo huray.