Ruushka Iyo Yurub Oo Eedayn U Soo Jeediyey Dhinacyada Ukraine

0

140906141054_ukraine_ceasefire_512x288_reuters_nocredit

Hoggaamiyayaasha Russia, Ukraine, France iyo Germany ayaa cambaareeyay jebinta xabbad joojintii dhawaan laga gaadh dagaalka bariga Ukraine.
Kaddib wadahadal afar geesood ah oo ay taleefonka ku yeesheen ayey hogaamiyayaasha ku baaqeen hirgelinta qodobadii lagu heshiiyay Minska todobaadkii tagay oo ay ku jiraan xabad joojin buuxda.

 Hadalka madaxda ayaa kusoo beegamay xilli ay sii kordheyso duqeynta ay ciidammada dowladda ku hayaan magaalada Donetsk ee ay fallaagada ka taliyaan.

Weriye BBC-da ayaa sheegay in madaafiic ay ruxeen dhismooyin ku yaalla batamaha magaalada.
Kormeerayaasha caalamiga ah ee dusha kala socda xabbad joojinta ayaa labada dhinac ku eedeeyay in aysan dhaqan gelin xabadjoojinta