Qaramada Midoobay Oo Baaq U Dirtay Dawladda Suuriya

0

IMG_10DC19-50BF5F-66F1F7-48A2FC-F1BF5E-EA8158

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dowladda Syria inay dhaqso u sii deyso dadka xabsiyada ku jira ee si nabad ah u soo bandhigay fakarkooda

Madaxa xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay, Zeid Ra’ad Al Hussein, ayaa sheegay ilaa markii ay bilaabmeen dibadbaxyada lagaga soo horjeedo taliska afar sano ka hor inay suurgal aheyd in boqolaal kun xabsiyada la dhigay.

Wuxuu sheegay inay tani welwel leedahay marka la ogaaday xaaladda xun ee ay ku jiraan maxaabiista.

Al Hussein ayaa ka hadlay warbixinada adeegsiga qolalka jidhdilka iyo su’aalo weydiinta aadka u xun.