Deg-Deg Weeraro is-miidaamin ah ayaa ka dhacay Hoteelo ay degaan masuuliyiinta Dowladda

0

uuro

Ka hor salaadda Jimacada ee maanta ayaa laba qarax oo waaweyn ka dhaceen magaalada Muqdisho, Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadu ahaayeen kuwo ismiidaamin ah iyada oo la adeegsadey gaarii, kaas oo ku qarxey banaanka hore ee Hotel Central oo ka mid ah Hotelada ay degaan masuuliyiinta Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Inta la ogyahay 7 qof ayaa ku dhimatey, in ka badana waa ku dhaawacmeen weerarada ismiidaaminta ah ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan ilo ku dhaw ciidanka amaanka.

Uuro iyo qiiq madow ayaa laga arkayaa banaanka hore ee Hotelka oo ku yaala degmada Xamar Weyne. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhaawacmeen  Xildhibaano iyo Wasiiro, Dadka la sheegayo in ay dhaawacmeen waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha haddana ah Xildhibaan Cabdulqaadir Cali Cumar,  Sidoo kale waxaa wararku sheegayaan in Cali Jaamac Jingeli oo ah Wasiirka Gaadiidka uu ku dhaawacmey weeraradan.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay Hotel Naasa Hablood oo ku dhaw Madaxtooyada Villa Somalia waxaana uu caan ku yahay  in ay degaan Xildhibaanada iyo Qubojoogta, Qaraxa labaad kadib ayaa la amqlaayey rasaas badan oo dhacdey.

Ururka al-Shabaab ayaa si deg-deg ah u sheegtey weeraradan, waxaana ay sheegeen in ay ahaayeen kuwo qorsheysan oo ay ku bartilmaameedsadeen madax sare oo ka tirsan Dowladda.

Qaraxyadan ayaa imaanaya iyada oo maalmihii u danbeeyey Dowladdu jidadka Muqdisho soo dhoobtey ciidamo cusub oo la sheegey in ay si gaar ah u tababaran yihiin kuwaas oo wadey baaritaano xoog leh.

faah-faahin  ayaan soo daabici doonaa…