Shir Lagaga Hadlayo Ka Hortagga Argagixisada Oo Washington Ka Socda

0

F8A02B9E-7379-40F0-BEDC-AB06EC87FDD7_w640_r1_s

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Joe Biden, ayaa shir saddex maalmood ah oo lagaga hortagayo dhibaatada xagjirnimada ka furay Washington.
Wakiilo ka socda in ka badan lixdan dal ayaa ka qeybgalaya kulankaasi oo daba socday toogashooyinkii dhawaan ka dhacay Denmark, France iyo Australia iyo korodhka kooxda dowladda Islaamka ee bariga dhexe.

 Waxay ka hadli doonaan afkaarta la xidhiidha sidii looga hortagi lahaa xagjirnimada iyadoo dalalku ay si weyn uga wada shaqaynayaan xagga sirdoonka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay inay muhiim aheyd ku luglahaashaha muhaajriinta aan waxbadan loo qaban.
Wuxuu sheegay in ammaanka qaranku uu ka yimaado dareenka bulshada.