Obama Waxaan dagaal kula jirnaa dadka Xumeenaya Diinta Islaamka

0

obama_42
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa kulan ka dhacay Aqalka Cad oo looga hadlayey kahortaga kooxaha xagjirka ah ayaa sheegay in dowlada Maraykanka aysan dagaal kula jirin diinta Islaamka.

Obama ayaa sheegay in dowlada Maraykanka dagaal kula jirto kooxaha ISIS iyo Al Qacida oo uu sheegay inay yihiin kooxo ku ciyaaraya magaca diinta Islaamka.

“…Maaha in kooxahan lasiiyo astaan diinta Islaamka, sababtoo ah waxay doonayaan inay dhalinyaro badan ku khaldaan in Maraykanka uu dagaal kula jiro diinta Islaamka, sidaa maaha ee waa been waxaanu dagaalka kula jirnaa argagaxiso dooneysa inay si khaldan magaca Islaamka u adeegsadaan….”ayuu yiri Obama.

Wuxuuna intaasi raaciyey Obama in dowlada Maraykanka ka hortageyso cid walba oo dhibaato la dooneysa shacabka Muslimiinta ah ama jaaliyadaha muslimiinta.

“….Diintu eed kumalaha falalka ay geystaan shaqsiyaad argagaxiso ah ama xagjir ah….waana inaan ka shaqeenaa in aan wax dhibaato ah loo geysan jaaliyaddaha muslimiinta…”ayuu hadalkiisa raaciyey Barack Obama.