Shirkadaha dayuuradaha ee Daallo Airline iyo Jubba Airways ayaa ku dhawaaqay iskaashato ay ku mideysanyihiin xili tartan adag uu kasoo wajahayo dhanka suuqa duulista hawada sare ee Soomaaliya, iyada oo ay suuqa lasoo galeen shirkado waaweyn oo caalami ah.
Sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka Reuters Maxamed Yaasiin oo ah agaasimaha Daallo iyo Siciid Qeyliye Agaasimaha Jubba ayaa shirkadaha kale ee maxaliga ah ugu baaqay in ay kusoo biiraan iskaashatan oo ay u bixiyeen African Airways Alliance (Isbahaysiga Duulimaadka Afrika).
Sanadkii lasoo dhaafay wadarta labada shirkadood waxa ay kala gooshiyeen 250,000 (labo boqol iyo konton kun oo qof), sanadkii lasoo dhaafay ee 2014, iyaga oo macaashay adduun lacageed oo gaaraya $75 malyyuun oo doolar.
Waxa ay hadda duulimaad u sameeyaan 13 qad, waxayna doonayaan in ay gaarsiiyaan illaa 21 qad, iyaga oo duulimaadyadooda ku tagi doona dalka Itoobiya, Yemen, Sucuudiga iyo Yurub. Waxay hawada soo galin doonaan labo diyaaradood oo kiro ah oo noocyadooda kala yihiin Airbus A321-111s and a Boeing 737-300.
Wasiirkii hore ee maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane oo hadlay ayaa sheegey in shirkadahani ay muhiim u yihiin dhaqaalaha Soomaaliya, tahayna in dowladda Soomaaliya ay garab siiso si aysan suuqa uga saarin shirkadaha kale ee shisheeyaha leeyihiin.
Soomaaliya waxaa aad usoo kordhaya suuqa duulimaadka, waxaana hadda biloowdey tartan caalami ah oo dayuuradaha ugu jiraan macaamiisha Soomaaliya.
Inkasta oo ay iskaashato samaysteen, hadane magacyadooda kala duwan ayay kusii shaqayn doonaan, balse siyaabo kale ayay iskaashiga u samaynayaan.









