Fanaan Caan Ka Ahaa Dalka Jarmalka Oo Ku Biiray Ururka Daacish

0
Hargeysa(AN)Fanaan u dhashay dalkaasi Jarmalka oo lagu magcaabo Denis Cuspert ayaa ku biiray Dawlada Islaamiga ah ee Daacish,taas oo ay dawladaha reer Galbeedka ahi u aqoonsan yihiin koox argagixiso ah.Cuspert ayaa da’ahaan noqnaaya 39 sanno jir,waxaanu hore u ahaan jiray nin heesa,kaas oo aan haysan wax diin ah,waxaanay dawlada dalkaasi Jarmalku waqtigaasi u aqoonsanayd inuu yahay nin budhcad ah.

Ninkan fanaanka ah ayaa laba sanno ka hor qaatay diinta Islaamka,kaas oo bedelay magiciisii hore,waxaanu la baxay Abu Dalxa Al-Almani,waxaanu Maraykanku saddex toddobaad ka hor ku daray ninkaasi liiska dadka argagixisada ay u yaqaanaan,isaga oo sheegay inuu khatar ku yahay caalamka.

Waxa la sheegayaa inay ururka khilaafada islaamiga ah ee Daacish ay ka barbar dagaalamayaan 500 oo qof oo u dhashay dalkaasi Jarmalku,iyada oo ay dawlada Jarmalku ka werwersan tahay inuu ninkaasi dad badan u horseedo inay ku biiraan dawlada Islaamiga ah ee Daacish,sidoo kalena dad badan oo isaga taageersani ay ku biiraan ururkaasi.