Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Xuseen Axmed Cadulle oo shalay hor tagay Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida ayaa ka hadlay halka uu marayo mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa iyo qorshaha wasaaraddiisa ee la xidhiidha sidii shacabka Somaliland biyo ku filan u heli lahaayeen.
Wasiirka ayaa ugu horayn ka hadlay Mashruuca Xumbo Wayne oo muddo 4 sano ah miiska saarna isla markaana aan la dhaqaajin waxaana uu wasiirku ka dhawaajiyey in markii hore mashruucan la siyaasadeeyey qabyaaladna lagu soo dhex tuuray, hase yeeshee waxaa uu sheegay in hadda mashrucaasi meel wanaagsan marayo “Mashruucan Xumbo-weyne muddo ilaa 4 sanno ku siman ayuu Miiska inoo saarnaa, waxaan u imid iyadoo Ceelashii la qoday oo Mashruucii taagan yahay oo khadkuu mari lahaa la dhigay, taasi waxay keentay Isqabsi waxaana la dhexgaliyay Mashruucaas siyaasad, iyadoo aan cidna ogayn in Ceelashu yihiin kuwo biyo leh, qayladiisii ayaa badatay, marbaa la yidhi inta Biyaha halkaas laga soo qaado ayaa galbeed la gaynayaa oo dib baa loo celinayaa, waxaasna waxba kama jirin. Mashruucaas waa la siyaasaddeeyay, waa la qabyaaladdeeyay Dilaalna waa uu dhex galay, laakiin waxaan idiinku Bushaaraynaynaa inaanu ogaanay inta ay leeg yihiin Biyaha Ceelashan la qoday (Ku jira), Toddobaadkii hore ayay daraasaddu noo soo dhamaatay, waxaanuna ka helay biyo badan…”
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sharaxay Barnaamijka wasaaradidisa u yaalla si loo gaadho isku filnaansho dhinaca Biyaha oo ka hirgala Somaliland, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaanu ku hawl nahay Sidii loo abuuri lahaa Jawi lagu soo jiito Maalgashadeyaasha Gudaha iyo dibadda si Biyaha wax looga qabto, waxa kale oo Wasaaraddu leedahay Istiraatijiyad ama Qorshe Qaran oo Biyaha ah, kaas oo Golaha Wasiirradu ansixiyeen. Qorshehaasi oo ka duulaya hirgalinta Mashaariicda oo ku salaysan qorshaha horumarinta wasaaradda Qorshaynta ee labada sanno, shanta Sanno iyo 30-ka sanno ee soo socda. Waxa kale oo aanu leenahay oo Baarlamaanku noo ansixiyay Xeerkii Biyaha oo aanu ku shaqayno”