Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Ka Dib Baadhitaan Dhanka Caafimaadka Ah Oo Uu Wadanka Jarmalka U Tagay Iyo Natiijada Caafimaadkiisa

0

IMG_D85289-E03A71-8E6A1F-6194C7-2540E9-856AFF

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka dalka

dib ugu soo laabtay, kadib markii uu maalmihii la soo dhaafay uu safar caafimaad dalka Jarmalka ugu maqnaa.

Madaarka Aadan Cadde Waxa Ku soo dhaweeyey gudoomiyaha baarlamaanka ra’iisal wasaaraha somaliya iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada xukuumada

Intii uu safarka ku joogay dalka Jarmalka ayaa madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu Isbitaal ku yaal dalkaas ku maray baadhitaan caafimaad. Iyada oo laga shaki sanaa in la sumeeyey balse madaxweynaha ayaa cadeeyey in caafimaadkiisani la xidhiidho mid iska caadi ah oo aanu sadexdii sano ee u danbeeyey is baadhin

Inkasta oo aan la sheegin natiijada baadhitaankan caafimaad ee xasan sheikh maxamud ugu baxay jarmalka balse waxa la sheegay in laga helay xanuuno dhawr ah iyada oo lagu sababeeyey dagaalo siyaasadeed oo buuq iyo madax xanuun dhalisay taasina ay sabab tay in xanuunadan ay haleelaan madaxweynaha

Warar ay heleyso Batalaalenews.net ayaa sheegaya in goor dhow laga yaabo in Madaxweynaha uu qabto shir jaraa’id oo uu xaaladiisa caafimaad uga hadlayo.

Maadaama Ay jiraan warar hoose oo sheegaya in madaxweynaha Somaliya xaaladiisa caafimaad ay aad u liidato isla mar ahaantaana uu ku sugan yahay xaalad nolol iyo geeri u dhaxaysa