Weerar ay ku dhaawacmeen dhowr boolis ah islamarkaana lagu beegsanayay nin swedish ah kaas oo sawir gacmeed horay uga sameeyay nabi Maxammed (NNKH) ayaa waxaa uu ka dhacay dalka Denmark.
Weerarka ayaa lala beegsaday goob lagu falanqeynayay ariimaha xorriyadda hadalka, farshaxanka iyo diin naceybka taas oo ku taal caasimadda dalka Denmark ee Copenhegen.
Goobta ayaa waxaa ku sugnaa ninka Swedishka ah ee horay sawir gacmeedka ku aflagaadeeyay Nabi Muxammed (NNKH) mkaas oo lagu magacaabo Lars Vilks.
Sida ay boolisku sheegeen waxaa goobka ku dhintay hal ruux, waxaana lagu dhaawacay sadex booliska ah.
Waxaa lagu dabajoogaa laba dabley ah oo falkan ka dambveeyay kuwaas oo ku baxsaday gaaro VW ah oo nambarkiisu yaha AT 25919.




SANAAG MEDIA GROUP 
NAGA FILO GOOR DHOW MUUQAL KU SAABSAN GOOBTAN








