Washington, (AN) Tobanaan muslimiinta dalka Maraykanka ah ayaa saladii jimce ku hor tukaday, aqalka cad ee looga taliyo dalka Maraykanka, waxaanu muuqaalkan oo ahaa baroor diiq sadex dii qof ee muslimiinta ahaa ee lagu dilay North Coroline, ahayd muuqaal aan noociisa oo kale hore looga baran goobtaas.
Khadiibkii salaada jimce u akhriyay dadkii saladaa isugu yimi ee muslimiinta ahaa ayaa si kulul u canbaareeyay dilka loo gaystay sadexda qof ee isku qoyska ahaa, waxaanu dawlada Maraykanka ka dalbaday in si deg deg ah baadhitaan ay ugu samayso.








