Kooxda DAACISH Oo Taako U Jirta Xarunta Ciidanka Maraykanku Ka Degen Yahay Ciraaq

0

Iraqi_T-72_tanks-800x426Wasaaradda difaaca ee Mareykanka ee Pentagon waxa ay xaqiijineysaa in dagaalyahanada dowladda Islaamka ay la wareegeen magaalada Al-Baghdadi ee gobolka Anbar ee dalka Ciraaq.
Taas ayaaa waxay la micno tahay in hadda Daacish aanay ka fogeyn xarunta ciidamada cirka ee Cayn Al-Asad, halkaas oo saldhig u ah ciidamada Marineska ee dalka Mareykanka, kuwaas oo caawinaya militariga dalka Ciraaq.

 Al-Baghdadi waxa ay ka mid ahayd dhowrka magaalo ee gobolka Anbar ay dowladda Ciraaq maamusho. Inkastoo hadda militariga Mareykanka ay xaqiijinayaan inay ku dhacday gacmaha Khilaafada Islaamka.

Afhayeen u hadlay waaxda difaaca ee Mareykanka waxa uu sheegay in qabsashada magaaladani ay tahay in maanka lagu hayo.
Waxa uu intaa ku daray, in tani ay tahay markii ugu horeysay, muddo laba bil ah oo Daacish ay dhul hor leh qabsato.
Laakiin, xarunti muhiim ka ah ee ciidamada cirka, halkaasi oo Mareykanka uu ku tababarayo ciidamada Ciraaq, waxa ay dhowr kilomitir u jirtaa magaalada la qabsaday.
Illaa iyo haddana, dad isqarxiyay ayaaba waxa ay isku deyeen inay weeraraan xarunta, inkastoo aysan guuleysan