Dagaal ayaa maanta ku dhex maray deegaano ka tirsan buuraleyda Galgala ciidamada Puntland iyo dagaalyannada Al-shabaab.
Dagaalka oo sida aanu wararka ku heleyno ahaa mid xooggan wuxuu bilowdey kadib markii goor hore oo saaka ahayd ciidamada Puntland weerar ku qaadeen deegaanka Madashoon oo qiyaastii 23km dhanka galbeedka Galgala ka beegan fadhiisinna u ah xoogag ka tirsan Al-shabaab.
Saraakiil u hadlay laamaha ammaanka Puntland ayaa sheegay in ciidamadu dileen shan dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab mid kalena isaga oo nool gacanta ku dhigeen.
Saraakiisha kama hadlin khasaaraha dhankooda soo gaadhey haseyeeshee wararka madaxa banaan ee laga helayo dagaalkii dhacay ayaa sheegay in ugu yaraan labo askari dhinteen saddex kalena dhaawac soo gaadhey.
Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalka oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhanka Al-shabaab.
Iska hor imaadka ka dhacay Madashoon ayaa kusoo beegmaya toddobaad kadib markii Al-shabaab labo weerar oo qorsheysnaa ka fulisey gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Labada weerar midkood waxaa lagu soo qaadey saldhigga booliska Baalade halka midka labaadna lala beegsaday guriga uu magaalada Boosaaso ka degen yahay taliye ku-xigeenka booliska Puntland.