Wariye U Dhashay Shiinaha Oo Sawir Layaab Leh Oo Uu Ka Qaaday Messi Ku Mutaystay Sawirkii Ugu Wacnaa Dunida Iyo Qoddobo Kale

0

Messi3Saxafi udhashay dalka China isla markaana ka shaqaynayay  Jariiradada Chengdu Economic Daily ayaa sawir uu ka qaaday xidiga kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ku helay abaal marinta sawirka saxaafada aduunka ugu fiicanaa.

Journlist-han oo magiciisa la yidhaa Bao Tailiang, ayaa sawirkan qaaday finalkii koobka aduunka markaas oo xulka qaranka Jarmalku ay 1:0 finalka koobka aduunka kaga adkeedeen xulka qaranka Argentina oo ay iskugu soo baxeen finalkii koobkii aduunka ee xagaagii hore ka dhacay Brazil.

 

Messi3

Bao Tailang ayaa maanta oo khamiis ah ku guulaystay abaal marinta sawirka ugu fiican ee  saxaafada aduunka  kadib markii uu sawir ka qaaday Lionel Messi oo si aad ah u fiirinaya ama u jaleecaya koobka aduunka oo hortiisa yaalay.

Lionel Messi oo ay ahayd markii ugu horaysay ee uu xulka qarankiisa la soo gaadho finalka koobka aduunka ayaa si fiican uga boqtay qaabka uu u eeg yahay koobka tartanka xoogan loogu jiray isla markaana fara cidood kaga baxsaday.Ciyaartoy badan oo aduunka ah ayaan fursad u helin xataa inay arkaan koobka, waxayna ku riyoodaan inay waayahooda ciyaareed mar uuuMessi ayaa hore usheegay in ayna waligood ilaawi doonin fursada ay lumiyeen ee koobkii aduunka.

Waqtiga Uu Xidiga Khadka Dhexe Ee Real Madrid Ee Luka Modric Uu Garoomada Ku Soo Laaban Doono Oo La Shaaciyay

Modric

Xidiga khadka dhexe ee xulka qaranka Croatia iyo kooxda Real Madrid oo muddo dheer kooxdiisa dhaawac kaga maqnaa ayaa la shaaciyay waqtiga  uu ku soo laaban doono garoomada ciyaaraha.

Modrid ayuu dhaacani ku soo gaadhay isaga oo gudanaya waajibaadka xulka qarankiisa Croatia kulan ka tirsanaa isreeb reebka Euero 2016.Madrid ayaa muddo saddex todobaad ah kadib ku soo laaban doona tababarka buuxa ee kooxdiisa Real Madrid.

Modric ayuu dhaawacani soo gaadhay 18 kii bishii November ee 2014, waxaana markaas la sheegay inuu Madric dhaawac ku maqnaan doono muddo saddex bilood ah.Modric

Waxaa dhawaan soo baxay warar sheegayay in Modrid uu ka dib dhici karo waqtigii la filaayay inuu garoomada ku soo laabto laakiin Modric ayaa ku soo laabanaya waqtigii la qorsheeyay, wuxuuna sheegay inuu si fiican uga soo kabsanayo dhaaawaca uu la maqnaa mudda dheer.modric-croatia490ai_1.jpg

Modric ayaa Sportske novosti u sheegay: “Ka soo kabsashadaydu waxay ku socotaa sidii uu qorshuhu ahaa, waxayna u socotaa si fiican. Waan ku faraxsanahay, si deg deg ah ayaan garoomada ugu soo laaban doonaa. Anigu tan iyo maalintii ugu horaysay waan ka war qabay sida uu dhawacani halista u yahay, waxaananu dhamaantayo isla qaadanay inaan samirno”.

Madaxa Caafimaadka FA-ga Croatia ayaa isaguna sheegay in haddii uu Madrid xanuunka ugu yar dareemo dib loo dhigi doono waqtiga uu soo labanayo  wuxuuna yidhi: “Madrid wuxuu hadda bilaabayaa inuu ordo, wuxuuna muddo saddex todobaad ah kadib uu bilaabi doonaa tabababarka buuxa ee kooxdiisa. Haddii uu Modric dareemo xanuunka ugu yar waxa dib loo dhigi doonaa waqtiga uu soo labanayo”.

Warkan ayuu micnihiisu yahay in Modric uu kooxdiisa Real Madrid ku soo laaban doono kulanka Villarreal ama Athletic Bilabo ee horyaanta bisha March, wuxuuna taam u noqon doonaa kulanka lugta hore ee Champions leaque-ga ee ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Schalke04.